Degmada Maydh waa degmo qadiim ah oo ku taalla dhulka xeebta ah ee gobolka Sanaag, waxayna 85 Km u jirtaa degmada Ceerigaabo. Maydh waxa dadka ku nool ay u badan yihiin dad kalluumaysato ah balse muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxay ka cabanayeen xaalado nolol xumo oo soo foodsaaray.
Xuseen Cabdiraxmaan Siciid oo ah guddoomiyaha Maydh ayaa sheegay in bulshada halkaas ku nool ay sanadihan dambe la kulmeen kalluun yaraan; qalab la`aan iyo suuq yaraan ka haysata kalluunka ay soo jillaabtaan.
Maydh waxa ay sidoo kale leedahay dekad qadiimi ah oo uu sheegay guddoomiyahu iney dhaqaale ahaan ku tiirsanaayeen dad badan balse uu burbur xoogdan soo gaaray, wuxuuna kaloo uu idaacadda Ergo u sheegay in degmada Maydh aysan lahayn waxabarasho aasaasi ah oo ku filan, oo ay leedahay oo keliya hal dugsi hoose dhexe oo ay wadaagaan arday boqolaal ah.
Mar ay idaacadda Ergo waydiisay sababaha keenay in kalluunku yaraado ayuu guddoomiyuhu yiri ” kalluumaysatada deegaankan ma haystaan qalabka sida qoboojiyeyaasha kalluunka lagu kadiyo, marka ay kalluunka ay soo qabtaan waxa ay waayeen meel ay ku kaydiyaan”.
Hoos u dhaca kalluunkii laga heli jiri xeebahaas iyo qalab la`aanta sida shabaagta doonayaha kalluumaysiga ayaa ka mid ah caqabadaha haysta kalluumaysata Maydh, tannoo keentay in kalluumaysatadau ay waayaan dakhli dhaqaale oo ay noloshooda ku wadan karaan. Qaar ka mid ah dhallinyaradii degmada Maydh ayaa waxay u weecdeen in ay ka mid noqdaan burcadbaeeda ama ay tahriibaan si ay ilo nololeed uga raadsadaan.
Guddoomiyaha Maydh Xuseen Cabdiraxmaan Sheekh Siciid ayaa ka codsanaya dhamaan hay`adaha samafalka iyo qurbo joogta inay soo caawiyaan dadka daggan deegaankaasi xeebaha gobolka Sanaag.
Cabdikariim Olol/MG