Qoysas dib uga laabanaya xeryaha Dhadhaab

0
82

Deegaanno badan oo ka tirsan gobbollada Jubbooyinka waxaa siyaabo kala duwan u soo gaaraya qoysas dib uga soo laabanaya xeryaha qaxootiyada Dhadhaab ee gobbolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana meelaha dadkaasi ka soo laabana xeryaha qaxootiyada dhadhaab ay soo gaarayaan kamid ah magaalada, Kismaayo, Deegaannada Dhoobley, Hoosingow iyo deegaanno kale oo Jubbooyinka ka tirsan.

” Waxaan ka nimid xeryaha Dhadhaab, qoysas badan ayaan nahay, xeryaha amaankooda iyo noolashooduba way xumaadeen, dhibaatado xooggan ayaan ku qabnay xeryaha Dhadhaab waana isaga soo tagnay,” ayay tiri haweeney sidatay shan carruur ah oo Ergo la hadashay iyadoo ku suggan magaalada Dhoobley,”

Xasan Maxamed Cabdullaahi Qeex waaa gudoomiyaha maamulka deegaanka Dhoobley wuxuuna radio Ergo u sheegay in dadka dib uga soo laabanaya dalka Kenya aysan ka imaaneynin oo kaliyah xeryaha Dhadhaab balse ay jiraan dad ka imaanaya magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Kenya , isagoo intaasi sii raaciyay in dadka Dhoobley soo gaaraya ay u badan yihiin qoysas haween iyo carruur ku soo laabanaya dhulkooda hooyo.

Guddoomiyaha degmada Dhoobleey oo ah goobaha ay dadkaas uga tillaabayaa xadka dhinaca Soomaaliya ayaa sheegay in tiro ahaan ay diwaangeliyaan illaa 500 oo qoys tan iyo bishii la soo dhaafay.

Magaalada Kismaayo ayaa kamid ah meelaha dadka ka soo laabanaya dalka Kenya gaar ahaana xeryaha Dhadhaab ay soo gaaraan, waxaana maalin kasta magaalada timaada ilaa dhowr baabuurta nooca looriyada loo yaqaan ah kuwaasoo ay saran yihiin dadka rakaab ah oo inta badan ka yimid xeryaha dhadhaab.

Si kastaba, marka dadkaan ka soo laabanaya dalka Kenya gaar ahaana xeryaha Dhadhaab ay soo gaareen deegaanno ka tirsan gobbollada Jubbooyinka waxaa ay u sii gudbaan gobbollada kale ee dalka halkaasoo ay markii hore ay ka soo carareen.

Khadar Maxamuud Xareed/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here