Barakacayaal gubtey oo gargaar la gaarsiiyey

0
105

Hay`adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee ka howlgala gobolka Bari ayaa gaarsiiyey deeq ka kooban maacuun, gogol iyo teendhooyin 27 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamka Boqolka Buush oo dhowaan ku guryo iyo hanti beeleen dab ka kacay kaamkaasi, dabkan ayaa sidoo kale sababay geerida gabar 6-sano jir ah, waxaana ciidamada booliiska ay soo qabteen nin lagu eedeeyey inuu dabka qabadsiiyey kaamka maseyr dartiis.

Cabdiwahaab Sheekh Ismaaciil, wuxuu ka mid yahay horjoogayaasha kaamka Bobolka Buush ee magaalada Boosaaso, wuxuuna uga warbixiyey raadiyo Ergo cidda gargaarkan soo gaarsiisey barakacayaasha gubtey “Sida maantaba aad arkeysid qalabka dhismaha ee lasoo qaarsiiyey barakacayaasha waxa kamid ah gogoshii, qalabkii guryaha lagu dhisi lahaa iyo waxyaabo badan oo aad duruuri u ah dadkan, waxaana ka qeyb qaatay hay`adaha gobolka ka shaqeeya, sida UNHCR, DRC, NRC, GRT, Tadamun, UNICEF, IOM  iyo OCHA, qof walba waxaa lasoo gaarsiiyey qalab ka kooban maacuuntii ay wax ku karsan lahaayeen, gogashii ay goglan lahaayeen, bustiyaashii ay huban lahaayeen, bicihii ay dugaasha ka dhigan lahaayeen iyo tiirar lagu dhisayo teendhooyinka.”

Deeqdani gargaarka ay gaarsiiyeen hay`adaha samafalka barakacayaasha ku nool kaamka Boqolka Buush oo dhowaan dab uu qabsaday ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii lasoo dhaafay barakacayaasha ay ka cabanayeen xaalado nolol xumo.
Victor Lahai waa madaxa hay`adda isku dubaridka gargaarka bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey OCHA xafiiskeeda Boosaaso, wuxuuna u sheegay Ergo uga warbixiyay cedda iska kaashatay deeqdan “Hay`adaha gargaarka iyagoo si wada jir ah u ilaalinaya danta bulshada oo ay horkaceyso OCHA waxay gargaar gaarsiiyeen dadka gaaraya 27-qoys oo ku guryo beeley dab kakacay kaamka Boqolka Buush.”

Kaamka Boqolka Buush oo ku yaalla dhanka waqooyi galbeed ee magaalada Boosaaso ayaa ah kaam ay ka dhacaan dababka ugu badan ee khasaaraha naf iyo maalba uu kasoo gaaro barakacayaasha ku nool kaamkaasi oo gaaraya 15,000 oo qoys oo deggan guryo ka sameysan baco iyo cooshaan, gargaarkan samafalka ah ayaa lagu wadaa inuu wax weyn uu ka beddelo nolosha qoysaska gubtey, ma ahan markii ugu horreysay ee kaamka Boqolka-buush dab noocaan oo kale ah ka kaco, waxaana inta badan dabkaasi loo aaneeyaa inuu ku yimaado dayac ka yimaada dadka barakacayaasha ah.

Axmed Somali/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here