Nolosha barakacayaasha Baydhabo

0
38

Xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo uu dhowaan booqday weriyeheenna Yuusuf Keynaan, ayaa wuxuu indhihiisa ku soo arkay xaaladaha nolosha iyo dabaqadaha ay ku kala noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee xeryahaas ku nool.

Xeryahan waxaa buux dhaafiyay haween, carruur,  dad da’ ah iyo curyaamiin ay taagtoodu aad u liidato, kuwaasoo aan heli Karin fursadaha ay qabsan karaan dadka kale. Dadkan waa dad isku ag nool  oo waxay dhisteen buushash laga sameeyay baco iyo maryo googo’an, ma haystaan teendhooyin ama baco ay ka geli karaan xilli roobaadka ama kulka.

Sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadkan ma helaan biyo nadiif ah iyo raashin, mana jirin gargaar ku filan oo ay heleen, waxaana marka aad albaabka ka istaagto xerada aad dareemaysaa in qaar kamid ah dadkan ay ku farxayaan imaatin kaaga, iyagoo kuu malaynaya inaad mucaawino u siddo.

Dadka aan la kulmay waxay ii sheegeen in sanado kala duwan ay xeryahan  soo galeen, iyagoo qaar ay soo barakiciyeen abaarihii waddanka ku dhuftay bartamihii sanadkii 2011kii ilaa 2012kii, qaar waxay ku soo barakaceen colaado ka jiray gobollada Bay iyo Bakool, halka qaar kalena ay noloshoodu ku tiirsanayd gargaar kaddib markii ay ka ba`een beerihii ay ka heli jireen cuntada.

Xerada, Dulmidiid, waxay ku taallaa duleedka waqooyi ee magaalada Baydhabo, waxaan kula kulmay oday faracadde wuxuuna ka warramay in dhibaato adag ay haysato, uuna ku nool yahay caawimaad uu ka helo dadka xerada la deggan ee awooda inay shaqaystaan.

Taliyaha AMISOM ee gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, Korneel Jerard Bigramaana ayaa ii sheegay in marmar ay u gurmadaan dadkan, balse wuxuu tilmaamay inay u baahan yihiin gargaar baaxad leh.

Maamulka iyo saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in hay`adaha samafalka ay ku casuumeen inay dadkan wax u qabtaan, balse ilaa hadda ay yartahay jawaabtii loo baahnaa.

Dadkan oo badankood ii sheegay inay ku soo barakaceen abaaraha iyo duruufaha dhinaca nolosha ah ayaa waxay u baahan yihiin in lagu caawiyo helitaan fursad ay noloshooda dib ugu aasaasi karaan, maaddaama ay badankood ahaayeen dad ka shaqeysta beeraha iyo xoolaha.

Yusuf Keynaan/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here