Qaramada Midoobay oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dib u furto dacwaddii kufsiga

0
119

Madaxa arrimaha bini`aadannimada ee Q.M ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dib u furto dacwada weriye iyo gabadha sheegtay in la kufsaday ee uu weriyuhu wareystay, kadib markii lagu xukumay dhowaan min hal sano oo xarig ah, iyadoo sheegtay in xukunkaasi uu khatar weyn ku yahay la dagaallanka tacaddiyada kufsiga ee dalka ka jira.

“Tacaddiyada kufsiga ee ka jira xeryaha dadka barakacay ee Soomaaliya waa arrin dhab ah, dadaal walboo lagu doonayo in lagu soo bandhigo laguna cirrib tiro dembiyadaas waa in la taageeraa. Waa dulmi iyo cadaadin weyn in haweeney sheegtay in la kufsaday loo xiro inay dembigaas soo bandhigtay iyo in weriye loo xiro baaritaan uu arrintaas ku sameeyay,” sidaa waxaa tiri madaxa sare ee arrimaha bini`aadannimada QM, Navi Pillay.

Bishii la soo dhaafay, ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhigay gabar sheegtay inay kufsadeen niman hubeysan oo xirnaa direyska ciidmada dowladda Soomaaliya bishii September ee sanadkii hore, xilli ay ku nooleyd xero barakac iyo weriyaha wareystay iyo sidoo kale qof isku xiray. Labo kale ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay kiiskan ku lug lahaayeen.

Weriyaha, Cabbdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo la shaqeynayay raadiyo Ergo iyo idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla, ayaa lagu eedeeyay inuu meel uga dhacay sumcadda laamaha dalka, isla markaana uu sameeyay warbixin been abuur ah, inkastoo aan la baahinin wareysigaas, halka haweeneyda dhibbanaha ahna lagu eedeeyay inay sidoo kale meel uga dhacday waax ka tirsan waaxaha dowladda.

“Waxaan kiiskan la soo qaaday dowladda Soomaaliya 10 maalmood ka hor,    waxaan hadda ugu baaqayaa dowladda inay si deg deg ah dib ugu furto kiiskan ayna billowdo baaritaan dhab ah oo ku aaddan waxa dhacay,” ayay Ms. Pillay tiri.

Ms. Pillay ayaa hoosta ka xarriiqday in dhacdadan ay sidoo kale khatar gelineyso xoriyatul-qowlka dalka,  halkaasoo weriyeyaal madax bannaan lagu bartilmaameedsady laguna dilay.

“Tacaddiyada kufsiga waa wax si buuxda ugu bannaan weriyaha inuu baaro. Weriye looma xiri karo maxkamadna kuma xukumi karto hal sano oo xabsi ah sababo la xiriira gudashada shaqadiisa.” Ayay tiri.

Waxay sidoo kale cambaareysay wararka ay faafinayeen maamulayaal uu ka mid yahay taliyaha booliiska Soomaaliya Jeneraal Shariif Sheekhunaa Maye oo shir jaraa`id qabtay bishii la soo dhaafay, isagoo gabadha dhibbanaha ah bulshada u soo shaac bixiyay, kuna eedeeyay inay ka been sheegtay kufsiga lagula kacay.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here