HORUUMARINTA KALLUUMAYSATADA BOOSAASO

0
118

Kalluumaysatada magaalada Boosaasso ayaa soo dhoweeyay qorshe ay waddo wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland oo kaashanaysa  hay`adda Cuntada iyo beeraha QM ee FAO oo lagu  taageerayo boqollaal kalluumaysato oo maashaariic horumarineed lagu samaynayo howlahooda kalluumeysi.

Kulan ay kalluumeysata iyo xubnaha ku howlan fulinta mashaariicdaas horumainareed ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ayaa waxaa looga hadlay faa`iidada uu suuqa lagu iibiyo kalluunka iyo goobo lagu keydiyo oo laga furayo Boosaaso u yeelan karo kalluumeysatada iyo dadka kalluunka iibsada.

Muddadii kulankaas uu socday ayaa waxaa  kalluumeysatada ay ka hadleen  caqabado xooggan oo heystey oo ay k amid tahay iyadoo aysan jirin suuq lagu iibiyo kalluunka iyo goobo lagu keydiyo kalluunka marka ay soo jilaabtaan kalluumeysatada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga Cabdiwaaxid Xirsi Joocaar ayaa sheegay in kalluumeysatada iyo ka qeyb galayaasha kale ee kulan ay si wanaagsan uga doodeen sidii shacabku ay uga wada faa’iideysan lahaayeen mashaariic ay waddo wasaaradda kalluumeysiga oo ay taageerto ka heleysa hay’adda FAO.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in mashaariicda ay isugu jiraan suuqa kalluunka loogu tala galay iyo qaboojiyeyaasha kalluunka lagu keydiyo oo laga hirgelinayo degmada Boosaaso.

Sarkaal ka socday hay`adda FAO oo ka hadlayey kulankaan ayaa tilmaamay inay aad u yar yihiin wax soo saarka badda loona baahan yahay in kalluumeysatada lagu dhiirrigeliyo waxyaabaha ay ugu baahan yihiin inay sare ugu qaadaan jilaabashada.

Kumannaan qoys ayaa ku tiirsan wax soo saarka badda oo uu ugu horreeyo kalluunka, waxaa haddii ay hirgasho tallaabadan lagu dhisayo suuqa iyo qaboojiyayaal kalluunka lagu keydiyo ay taasi fursad wanaagsan u noqon kartaa kalluumeysatada oo heli doona awood ay ku jilaabtaan kalluun badan.

Axmed Somali /MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here