BEERALEYDA BAARDHEERE OO DALAG WANAAGSAN GOOSTAY

0
65

Sida ay sheegeen beeraleyda wax ku beerata roobabka ee degmada Baardheere  iyo tuulooyinka hoos taga, dalagga sanadkan u soo go`ay ayaa ah kii ugu wanaagsanaa muddo 4 sanadood ah oo ay beeraleyda sheegeen inay isugu darsoomeen abaaro iyo roobab yaraan.

Suuqyada magaalada Baardheere ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa dalagyo aad u tiro badan oo isugu jira maseggo iyo sisin si weyn loogu soo harqiyay suuqyada, tanoo calaamad u ah sheegashada beeraleyda.

Haya`dda cuntada iyo beeraha QM ee FAO ayaa sheegtay in cunto yaraantii ka jirtey Soomaaliya ay hoos u dhacday, tanoo ifafaalo wanaagsan u ah qoysaska beeraleydan oo sheegay in noloshooda ay wax weyn iska beddeli doonto.

Ismaaciil Cumar oo ka mid ah beeraleyda tuuladsa Serinley ee degmada Baardheere ayaa wali xusuusta dhibaatooyinkii adkaa ee  dhinaca nolosha ahaa, wuxuuna sheegay in sanadkan uu rajeynayo in nolosha qoyskiisa ay wax weyn iska baddeli doonaan.

Roobabkii xilliga Deyrta ee sanadkan oo si fiican u da’ay ayaa waxay sababeen in beeralaeydu ay ka faa`iidaystaan qodaalka beeraha ay helaan cunto ku filan.

Magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda ayaa lagu soo warramayaa in loorkii haruurka ah uu qiimihiisu marayo lacag dhan 120 kun oo shilin, tanoo noqonaysa qiimihii ugu hooseeyey ee muddo ka badan ilaa 10 sano uu gaaro.

Ismaaciil Cumar ayaa sheegay in sanadkan aysan jirin wax cuno yaraan ah, wuxuu tilmaamay in bakaaraha keydka ay ku duugteen haruur badan oo uu sheegay in muddo ah inay ku noolaan doonaan.

Axmed Cumar Saalixi/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here