FAO: CUNTO YARAANTA KA JIRTEY SOOMAALIYA OO HOOS U DHACDAY IYO XADDIGA NAFAQA DARRI OO KORREEYA

0
86

Iyadoo dadka gargaarka u baahan ee Soomaaliyeed ay kala bar hoos u soo dhaceen tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii 2012kii, ayaa haddana qiyaasta la sameyeey nafaqa darrida ka jirta Soomaaliya tahay tan ugu korraysa adduunka, siday warbixin cusub ku soo saartay hay’adda cuntada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO.

Dadaalka hay’adda gargaarka ayaa wax xoogaa ku guulaystay inay yareeyaan nafaqa darrida, iyagoona sidoo kale ku guulaystay inay joogteeyaan hannaanka helista cuntada waddanka lixda bilood ee soo socota, dadka saboolka ah oo iyagu nugul una baahan in laga taageero dhinaca wax haysiga ayaana ah waxyaabaha sababa macaluusha soo noqnoqda, in dhinacaas laga taageero ayaana ah talaabo lagu yarayn karo khatarta cunto yaraan iyo nafaqa darrida jirta.

Warbixintaan oo ay soo saartay waaxda haqab beelka nafaqada iyo cuntada ee FSNAU kana tirsan hay’adda FAO  oo kaashanaysa waaxda ka sii digista macaluusha ee NEWSNET ayaa ka digey in iyadoo roobkii dayrtu uu celi celis ahaan kor u soo qaaday wax soo saarka iyo nacfiga xoolaha ayaa haddana arrintu is bedeli kartaa taasoo ay ugu wacan tahay laba xilli oo isku xigtay oo abaaro darani jireen, markey qaramada midoobay ku dhawaaqday macaluul ka jirtay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya bishii Agoosto ee 2011kii ayaa waxay ka dhigtay in 4 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar bani`aadannimo.

Warbixintu waxay sheegtay in mirihii gelleyda iyo haruurka  ee soo baxay xilligaan deyrta ay korreeyeen, tanoo ah kororkii ugu ballaarnaa muddo toban sano ah, sidoo kale beeralleyda dalagyada ganacsiga beerta ayaa iyana wax soo saarkoodii kordhay, iyadoo ay jiraan beeralley u wareegay dhinaca dalagyada ganacsiga inay beeraan.

Warbixintu waxay sheegtay in weli ay dhibaato cunto yaraani ka jirto dhinaca waqooyi ee waddanka, gaar ahaan dhul xeebeedka waqooyi galbeed ee ku teedsan gacanka Cadmeed, iyadoo dadka ku nool aysan helin waxay cuni lahaayeen, roobabka loo yaqaannay xaysinkuna baaqdeen.
FAO – FSNAU – FEWSNET

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here