QIIMAHA SARRIFKA DOOLLARKA OO HOOS U DHACAY MUQDISHO

0
28

Mar qura ayaa magaalada Muqdisho toddobaadkan laga dareemay jahwareer ganacsi oo ka dhashay hoos u dhac ku yimid qiimaha sarrifka doollarka Mareykanka, iyadoo aanu wax isbeddel ah ku imaan qiimaha cuntooyinka, halka qaarkood ayba sare u keceen

Boqolkii doollar ayaa toddobaad ka hor lagu sarrifayay suuqyada Muqdisho lacag dhan 2,300,000 (Labo milyan iyo saddex boqol oo kun oo shilinka Soomaaliga ah) iyadoo hoos u dhaca ku yimidna uu gaaray 1800,000 (Malyan iyo siddeed boqol oo kun oo shilinka Soomaaliga ah) taasoo farqi weyn uu u dhexeeyo.

Arrintan ayaa waxay abuurtay jahwareer ganacsi, iyadoo sarrifleyaashana ay sheegeen in iyagaba ay garan la` yihiin sababta ay arrintani u dhacday.

Ganacsatada cuntada iibisa ayaa iyana sheegay in caga dhigasho la`aanta sarrifka doollarka oo lagu jahwareeray awgii aanay iyaga waxba uga beddeli karin qiimaha cuntada. Waxay arrintan aad u saameysay bulshada danyarta ah, gaar ahaan kuwa dibadda laga soo biilo ee lacagaha loogu soo diro doollarka Mareykanka.
Kaynan/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here