XAALADDA GUUD EE ISBITAALKA BAYDHABO

0
24

Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, wuxuu adeeg caafimaad oo lagama maarmaan ah u hayaa bulshada ku nool gobolka, iyadoo sidoo kalana dadka qaar ay uga yimaadaan gobollo ay ka mid yihiin Bakool iyo Gedo.

Isbitaalka oo dhul ballaaran ku fadhiya wuxuu ka kooban yahay 18 qeybood oo lagu qabto adeegyo kala duwan, wuxuuna taageero ka helaa ha`yadda caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay`adda Coopy, oo ah hay`ad samafal oo Talyaani ah.

Baahiyo badan oo dhanka daawooyinka ah ayaa haatan ka jirta isbitaalka, “Wax daawooyin ah hadda ma yaallaan isbitaalka, waanse rajeynayaa inay nasoo gaaraan.” Ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada isbitaalkaas.

Qeybta la jiifiyo bukaannada laga baxnaaninayo dhawaacyada ayaa ah haatan qeybta ugu mashquulka badan, iyadoo ay jiifaan dad badan oo ay rasaas ku dhacday oo lagu daweynayo.

Dr Cumar Bile oo ah dhaqtarka qalliinka isbitaalka Beydhabo ayaa sheegay in inkastoo baahiyo badan ay isbitaalka ka jirto, haddana ay mar walba u taagan yihiin u shaqeynta dadka.

“Isbitaalka guud ee Baydhabo waa isbitaalka keliya ee ay ku tiirsan yihiin dadka ku nool gobolka Bay, dad uga yimaada Bakool iyo Gedo, baahiyada dadka oo aad u badan iyo adeegyadiisa caafimaadka oo yar ayaana dhibaato ah.” Ayuu yiri Dr Cumar.

Isbitaalka ayaa u baahan dayactir, maaddaama uu yahay mid qadiimi ah ayna dad badan ku tiirsan yihii. “Baayiha ugu weyn ee isbitaalka waa dayactir, sababtoo ah isbitaalku burbur ayuu ku dhow yahay, roobabkii da`ay dhowaan waxaa dhacday in bukaanadda ay soo galeen daadad, taasna waa dhibaato, marka waxaan codsaneynaa in dayactir lala soo gaaro isbitaalka.” Ayuu yiri agaasimaha.

Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo waxay ka mid yihiin gobollada Koofur galbeed dalka ku yaalla ee ay sida ba`an u saameeyn abaarihii iyo macluushii dalka ka dhacay sanadkii 2011kii, haatanna waxaa soo hagaagaya xaaladda ammaan ee magaalada Baydhabo.

Yuusuf Keynaan/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here