Boqollaal qaxooti Soomaaliyeed oo ku jiray xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda, kadib markii sida ay sheegeen ay u adkeysan waayeen xaalado is biirsaday oo isugu jira nolol xumo iyo amni darro.
Degmooyinka maalmahii ugu dambeeyey ay soo gaareen qaxootiga ayaa waxaa ka mid ah Baardheere iyo Salagle, halkaasoo ay gaareen ilaa 8 baabuur oo ay saaran yihiin dad ka badan ilaa 200 oo qoys oo qaxooti ah ayna ka muuqato daal iyo diif.
Abshir Xuseen oo ka mid ah qoysaska ka soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, gaar ahaan xerada IFO dhowaanna soo gaaray degmada Baardheere ayaa Ergo u sheegay in ammaan darrida ka jirta xeryaha qaxootiga ay ku qasabtay inay dib ugu soo noqdaan deegaanka oo markii hore ay abaaro iyo colaado ka barakiciyeen.
“Muddo 2 sano iyo bar ayaan degganaa xerada Ifo aniga, hoyadey iyo qoyskeyga oo ka kooban 12 ruux, markii horena waxaan ka mid ahaa beeralleyda Baardheere oo abaaro iyo dhibaatooyin nolol xumo ayaa igu qasbay in aan galo xeryaha qaxootiga Kenya, arrimaha kufsiga oo si baahsan uga jira xeryaha ayaana ugu sii daran waxa nagu kallifay inaan dib u soo noqonno”.
Abshir ayaa wuxuu sheegay dhibaatooyinka ay qabaan inay ugu weyn tahay hoy la`aan, cunno la`aan iyo caafimaad darro. isagoo sheegay in haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto ay dhalan karaan cudurro iyo macluul baahsan
Deegaannada kale ee qaxootigu dib ugu soo noqdeen waxaa ka mid ah deegaanka Salagle oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo dhowaan ay gaareen dad lagu qiyaasay ilaa 270 qoys, siduu Ergo u sheegay Weli Aadan Maxamed oo ka tirsan odayaasha degmada Salagle.
Dadkaan soo noqonaya ayaa degaya deegaanno aysan horeyba uga jirin adeeg nololeed iyo hay`ado gargaar.
Salixi/MH/FM