INDHO FIIQIS KA SOCOTA KISMAAYO

0
127

Howlo indha-fiiqis lacag la’aan ah oo ay ka faa`iideysanayaan dad ka  kala yimid deegaannada kala duwan ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka bilowday qeybta caafimaadka ee Jaamacadda magaaada Kismaayo.

Barnaamijkan oo ay iska kaashanayaan Jimciyadda samafalka eeTowfiiq, Jaamacadaha Banaadir iyo Kismaayo ayaa inta uu socdo waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 1,000 qof,  kuwaasoo adeegyo indha fiiqis iyo baaritaanno dhanka caafimaadka ah loo sameyn doono, sida ay sheegeen howl wadeennada barnaamijkan.

“Adeeggan waxaan dadka ugu qabaneynaa si lacag la’aan ah, waxaana ugu tala galnay inaan wax ka qabanno dhibaatada dhanka caafimaadka ah ee ka jirtay magaalada Kismaayo.” Sidaa waxaa yiri Dr Dalmar Cabdirisaaq Axmed, oo fulinaya howlahaan qalliinka indhaha ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka jira baahiyo dhanka caafimaadka ah, waxaana la filayaa in adeegyadan caafimaad ee lacag la`aanta ah ay ka faa`iideystaan dad badan oo u baahan.

Khadar Maxamuud Xareed/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here