HRW : Dawladda Kenya waa ineyan qasab ku celinin qaxootiga

0
130

Iyadoo cabsi iyo warwar la xiriira in hadal heyn in dawladda Kenya ay doonayso in ay si xoog ah dib ugu celiso xeryaha qaxootiga dadka qaxootiga ee ku nool magaalooyinka ayaa waxa arrintaas si adag  uga soo horjeestay hay’ada xaquuqul insaanka u dooda ee (Human Rights Watch).

Hay`adda xuquuqda baiaadmaka  warbixin ay soo saartay ayay waxay dawladda ugu baaqday in ay joojiso qorshaheeda ku aaddan in ay si qasab ah xeryaha qaxootiga ugu celiso  55,000 oo qaxooti diwaangashan ah iyo dad magangalyo doon ah.

Hayáddan ayaa sheegtay in qorshahaas uu ku xadgudbayo xuquuqda ay dadka qaxootiga u leeyihiin in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan, waxayna sheegtay in tani ay saamayn ku yeelan doonto awoodda dadka qaxootiga ee nolosha ka soo saaranayay magaalooyinkan, tannoo u horseedi karta in ay waayaan cunto, dhar, goobo ay dagaan, caafimaad iyo warbarasho.

Gerry Simpson oo ah cilmi-baare ka tirsan hayáddaas ayaa waxa uu tilmaamay in Kenya ay u isticmaalayso qaraxyadii dhawaan ka dhacay dalkeeda in ay ku tokoorto dhamaan dadka qaxootiga ah, iyadoo ugu yeeraysa in ay noqon karaan argagixiso, kuna qasbaysa in tobbonaan kun oo iyaga ka mid ah in ay qasab ugu dirto xeryaha buux dhaafay.

16kii bishan Janaayo 2013, ayaa waxaa la helay warqad ay qotray  wasaaradda maamulka gobollada iyo amniga gudaha taasoo ku qorneyd in wajiga hore ay ciidammadu si qarsoodi ah u hareereeyaan qaxooti dhan 18,000 oo qof taasoo ay ku caddeyd in ay billaabato 21kii bishan. Warqadda ayaa waxaa ku caddeyd in dadkaas lagu xareeyo garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla Thika , halkaa oo lagu sii hayn doono inta aan loo gudbin xeryaha qaxootiga.

MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here