BANGIGA ISLAAMKA OO DAAWO GAARSIIYAY BARAKACAYAASHA PUNTLAND

0
65

Mas`uuliyiin ka tirsan hay`adda  waddaniga ah  ee CORD iyo sarkaal ka socday bangiga Islaamka ayaa deeq gargaar ah ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka ee Puntland, taasoo iyadu sii gaarsiin doonta dadka barakacayaasha ah.

Cabdow Ataqi oo ka mid ahaa saraakiishii ka socotey bankiga hormarinta Islaamka ayaa sheegay in gargaarkan oo ka koobnaa daawooyin ay ugu talagaleen dadka saboolka ah, agoonta iyo barakacayaasha, ayna rajeynayaan inay noloshooda wax ka tarto.

“Waxaad tihiin walaalaheenna waxaan joognaa guryaheenna, ujeeddada kaliya waxaa weeye sidaan u dhiirri gelin laheyn gargaar caafimaad oo la gaarsiiyo agoonta, darbi jiifka, barakacayaasha iyo dadka danyarta ah”. Ayuu yiri Cabdow.

Inta badan dadkan ayaa waxay adeegyo caafimaad oo lacag la`aan u raadsadaan xarumaha loogu tala galay, balse muddooyinkii ugu dambeeyayy ayaa waxaa jiray baahi badan oo dhanka daawada ah oo ka taagnayd xarumaha adeegyada caafimaad ee bilaashka ah bixiya ee magaalooyin Puntland ku yaalla.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Saynab Ugaas Yaasiin ayaa ballan qaadday in sida loogu talagalay ay u maarrayn doonaan qeybinta deeqdan daawada ah.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee bangiga horumarinta islaamka uu soo gaarsiiyo Puntland deeq daawo ah,  si wax loogu qabto caafimaadka dadka jilicsan.

Axmed Somali/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here