Tiro 5 qof ah ayaa xaanuun aan la xaqiijin waxa uu yahay ugu geeriyooday deegaanka Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Mudug, sida ay sheegeen howlwadeennada caafimaadka ee deegaankaas.
Maxamed Xuseen Cagool oo ah kaaliyaha caafimaadka deegaanka Galinsoor ee rugta ururka Bisha cas ee Soomaliyeed ayaa sharraxaya calaamadaha cudurkaas.
“Xanuunkaas waa xanuun qandho kulul ku qabanaya qofka, ka dib waxaa bararaya qanjidhada dhagaha ka hooseeya, ka dibna waa dhimanayaa qofku, mana jiro wax caddeynaya nooca uu yahay xanuunkaas, sababo la xiriira adeegga caafimaad ee deegaanka oo liita.”
Dadka qaarkood ayaa geeya xarumo caafimaad oo tayo leh dadka ka tirsan ehelkooda ee xanuunku uu soo ritay, sida isbitaallo ku yaalla gobollada kale ee dalka, balse taas dadku ma wada awoodaan “Aniga waxaan ku waayay xanuunkaas ilmo aan dhalay waxaana si dirqi ah uga kacay kuwo kale oo aan dhalay oo aan geeyey markii aan ku arkay xanuunka magalada Muqdsho, si ay daryeel wacan u helaan.” Sidaas waxaa Ergo u sheegay Sanweyne Macallin Fiqi oo ka mid ah dadka deegaanka Gelinsoor.
Caaqil Maxamud Ereg Afdhuub, wuxuu ka tirsan ayahay odayaash deegaanka ayaa wlaaac ka muujiyay xaaladda adeegyada caafimaad ee Gelinsoon, wuxuuna yiri ”Ma jiro wax adeeg caafimaad ah oo ay leedahay degmadu, isbitaal maleh, shaybaar iyo takhaatiirna maleh.”
Deegaanka Galinsoor waxay ka mid tahay deegaannada dalka ee adeegyadooda caafimaad ay liitaan, mana joogaan takhaatiir khibrad leh oo ku filan deegaanka.
Burhan Maxamed Cabdi/MH/FM