Human Rights Watch ayaa ugu baaqday saraakiisha ciidamada amaanka ee Soomaaliya in ay sii daayaan qof saxafi ah oo ay hayaan iyo laba qof oo kale oo lala xiriirshay eedeyn ku saabsan qof dumar ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladdu ay kufsi u geysteen.
Dabayaaqadii todobaadkii hore ayaa waxaa booliska Muqdisho ay xireen saxafi madax bannaan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim, waxaana sida ay sheegtay Human rights watch la iska hayaa asagoon wax dacwad ah lagu soo oogin.
Agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch Daniel Bekele, ayaa ugu baaqay in dowlada Soomaaliya loo baahan tahay in ay xaqiijiso in boolisku ay qeyb ka yihiin xalka xad gudubyo baahsan oo ciidamada ammaanku ay ku kacaan, isla markaana waa in ay xaqiijiso in boolisku aysan dhibka qeyb ka ahayn.
Sidoo kale 10kii Janaayo, ayaa waxaa waaxda dambi baarista ee dhexe ee Booliska Soomaaliyeed (CID) oo ku taala gudaha Muqdisho ay ku xireen haweeney sheegtay in ciidamada dowladu ay kufsadeen bilo ka hor markaas, ayada iyo naag kale oo ay saaxiibo yihiin oo ku xirtay saxafiyiin.
Human Rights Watch ayaa waxa ay tilmaamtay in aysan awoodi karayn in ay soo baarto sheegashada kufsigaa. Intii su’aalaha boolisku weydiinayeen ayaa madaxa laanta CID-da, Janaraal Cabdullaahi Xassan Bariisse, waxaa la sheegay in uu haweeneydaa ku qasbay in ay soo gudbiso nambarada taleefanada ee saxafiyiinta ayada wareysiga ka qaaday.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in aamusinta dhibbaneyaasha kufsiga iyo saxafiyiinta aysan dhammayn doonin carqalada dhanka galmada ah ee Soomaaliya ka jira,waxaana ay tilmaamtay in taa oo kaliyah ay sii xoojin doonto cimilada Soomaaliya ee ah isla xisaabtamid la’aanta.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa Daniel Bekele uu ugu baaqay Madaxweyne Xassan Sheekh, madaxweynaha Soomaaliya in uu dhowro ballan qaadkii uu sameeyay asagoo xaqiijinaya in booliska la tacaamulaya arinkan aysan ka niyad jabin saxafiyiinta in ay soo tebiyaan xad gudubyada dowladu geysato ama in aysan ka niyad jabin dhibbaneyaashu in ay caddaalad raadsadaan.