Xarun lagu quudiyo dadka danyarta ah oo kismaayo laga hirgeliyay

0
51

Howlo quudin ah oo uu fulinayo urur maxalli ah oo lagu magacaabo Irdo ayaa si rasmi ah looga bilaabay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo,waxaana taabba gelinaya barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.

Howshaasi quudinta ah waxaa maalin walba ka faa’iideysan doona in ka badan 2,000 oo ka mid ah  dadka danyrata ah iyo kuwa barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha barakaca ee magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay Irdo.

“Xaruntan quudinta ah ee aan Kismaayo ka furnay waxaan ugu tala galnay inaan ku caawinno dadka dhibaateysan, waxaana rajeynayaa inuu faa`iido badan u leeyahay dadka,”  Sidaa waxaa Ergo u sheegay Cabdi-Maalik Cabdullaahi Ibraahim oo ah madaxa ururka Irdo.

Faa’iidada nafaqeyn ee dadka danyarta ah ay ka helayaan mashruucaan quudinta ah ka sokow waxaa sidoo kale jira haween iyagu fursado shaqo ka helay, si nolosha qoysaskooda ay ugu dabbaraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay hay’adaha samafalku muddo ku dhow 5 sano aysan ka howlgalin ayaa hadda u muuqanaysa in hay’adaha iyo shaqaalahoodabaay dib ugu soo laabanayaan kadib markii xaaladda ammaanka ay soo roonaatay, iyagoo isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira halkaas.

Khadar Maxamuud Xareed/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here