Dadka dib ugu laabanaya Dhadhaab

0
132

Qaxooti Soomaaliyeed oo ka tegaya magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo Kenya ku yaalla ayaa maalin walba gaaraya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari Kenya, Sida ay sheegayaan shirkadaha gaadiidka ee ka howlgala gudaha xeryahaas.

“Tan iyo intii dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qaxootiga jooga gudaha magaalooyinkeeda ay aadaan xeryaha qaxootiga, dadku aad bey xeryaha usoo galayaan, markii hore laba bas ayaa maalintii imaan jirtay balse hadda ilaa afar bas baa timaada.” Sidaa waxaa raadiyo Ergo u xaqiijiyay Mahdi Ciise Cilmi oo ka mid ah wakiillada shirkadaha basaska isaga kala goosha gobolka. Qoysaskan ayaa isugu jira kuwo u diiwaan gashan hay`adda arrimaha qaxootiga QM ee UNHCR, oo degaya gudaha xeryaha iyo qaar kale oo u sii gudbaya  Soomaaliya.

Magaalada Nairobi waxaa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 30`000, sida ay sheegtay QM. Waxayna halkaasi u joogaan dano kala duwan, sida qaar arrimo caafimaad u jooga, kuwo ka shaqeysta, kuwaso wax ka barta iyo kuwo u jooga in qoysaskooda dibadda jira ay uga soo dacwoodaan halkaas.

Caasho Maxamed Xuseen waa hooyo  ka mid ah dadka soo noqday, waxay iyada iyo qoyskeeduba ka soo guureen magaalada Nairobi, waxayna sheegtay in halkaas ay u joogtay arrimo caafimaad “Dhib iyo rafaad iyo askarta oo habeenkii kugu soo garaacaysa albaabka ayaan uga soo tegay Nairobi, alxamdulillaah hadda waxaan dib ugu soo noqday xeradaydii  aan degganaa.” Ayay tiri Caasho.

Dowladda Kenya ayaa bishii Disember ee sanadkii hore ku amartay dhammaan qaxootiga jooga magaalooyinkeeda inay aadaan xeryaha Dhadhaab, iyadoo sheegtay in wax gargaar ah aysan ku heli doonin gudaha magaalooyinkeeda, waxaana xeryaha Dhadhaab waxaa hore ugu noolaa qaxooti gaaraya 500`000 taasoo ku dhowaad afar jibbaar ka badan intii loogu talo galay.

Farxaan Lafoole/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here