Maamulka KMG ah ee ka arrimiya magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha magaalada halkaasoo ay dhowaan dib uga bilowdeen duulimaadyadii rayidka iyo kuwii hay’adaha caalamiga ah.
Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo muddo dhan afar sano kama jirin dhaq-dhaqaaq shaqo, ayadoo ay arrintaasi saameyn ku yeelatay howlihii garoonka iyo adeegyadii bulshada ee garoonka.
Madaxa arrimaha bulshada maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar Maax oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Ergo ayaa shaaca ka qaaday in garoonka iyo dadka ku nool magaalada Kismaayo ay hadda ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii ay ku reebeen colaadihii ka jiray nawaaxiga magaalada Kismaayo, islamarkaasna ay hadda howlaha garoonka si dar dar leh ku socdaan.
“Inkastoo hadda howlaha garoonka ay si fiican u socdaan, haddana waxaa jira dhibaatooyin badan oo garoonka dhanka dhismaha ka heysta, adeegyo badan oo garoomada lagu yaqaanno kama jiro garoonka kismaayo, arrimahaas ayaa dhibaato naga heysataa,” ayuu yiri Cabdinaasir Seeraar oo raadiyaha Ergo u warramayay.
Radio Ergo Kismaayo/AA