SAAMAYNTA CUNNOOYINKA IYO DAAWOOYINKA DHACAY

0
161

Takhaatiirta Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay saamaynta caafimaad oo ay reebaan cunnooyinka  iyo daawooyinka dhacay ee dibadaha laga soo dhoofiyo, kuwaas oo sanad kasta la soo geliyo dalka.

Thakhtar Cabdulqaadir Maxamuud Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgala magaalada Gaalkayo ayaa sheegay  sharci la`aanta iyo la socod la`aanta alaabooyinka loo dhoofiyo dalka ay sabab u noqotay in xanuunno ay ka qaadaan dadka cunnooyin iyo daawooyin dhacay oo dalka loo iib keeno.

“ Ma jirto hayádd lasocota alaabooyinka dibadaha laga soo dhoofiyo iyo tayadooda amaba ilaalisa fayadhowrka, taa waxa ay keentay in cid walba ay dalka soo geliso wixii ay doonto”, ayuu yiri takhtarka.

Inkastoo aysan jirin qiyaas dhab ah oo la xiriitra heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatadan ayaa haddana waxaa la rumeysanyahay in suuqyada dalka lagu soo harqiyo waxyaabaha waqtigoodii uu dhacay ama aan lahyn tayo wanaagsan sida raashin iyo daawooyin waqtigoodii  dhacay ama tayadoodu ay liidato.

Takhtarkan  oo ah agaasimahya isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ka sokow waxyeellada jir ahaaneed eek u yimaadda dadka cunaya ama isticmaala cunnooyinka dhacay iyo daawooyinka ay jiraan dhibaato kale oo maskax ahaaneed oo ay ku reebto.

Sida uu idaacadda Ergo u sheegay takhtar Cabdulqaadir waxaa agabkaas dhacay ay ku dhaliyeen dadka cudurro horey aan u jirin, sida cudurrada ay ka mid yihiin kansarka oo haatan lagu arkayo in ay qaadayaan carruur badan, carruur ku dhalata iyagoo isku dhagan ama ay maqan yihiin  xubnaha jirka qaar ka mid ah iyo kuwa kale.

Burhaan Maxamed Cabdi/ MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here