Hay`adaha samafalka oo loogu baaqay inay gargaar gaarsiiyaan barakacayaasha Gedo

0
31

Deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo dhowaanahan ay ka socdeen dagaallo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan inay ku qabsadaan gobolka, ayaa waxaa ka taagan xaalado bini`aadannimo oo daran, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Ilaa 5000 oo qoys barakacayaal ah kana yimid deegaanno gobolka ka tirsan iyo gobollada deriska la ah Gedo ayaa haatan ku sugan magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaasoo ay soo salkiciyeen abaaraha iyo colaadaha gobolka ka jira.

“Hay`adaha samafalka waxaan ugu baaqeynaa inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaateysan.” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Deegaannada Meykaa-reebe iyo Reys-qode ayaa ka mid ah deegannada ay ka dhaceen dagaallada xooggooda, waxaana ku nool dad xoolo dhaqato ah oo saameyn weyn ay ku yeelatay abaartii sanadkii 2011kii dalka ku dhuftay, waxaana dagaalladaasi uga le`day xoolo badan, taasoo noloshooda adkeysay maaddaama ay ku tiirsan yihiin nacfiga ay xoolaha ka helaan.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale sheegay in ammaanku aad uga fiican yahay sidii hore, kuna boorriyay hay`adaha iney yimaadaan gobolka.

“Gobolka hadda baqdin kama jirto, dhibka jirana ma aha in hay`adaha samafalku aysan gobolka ka shaqeyn karin, balse waxaa jira musuqmaasuq ay ku kacayaan dad loo soo dhiibay gargaar ku wajahan dadka ku dhibaateysan Gedo, dadkaas ayaan soo gaarsiin barakacayaasha loogu talo galay gargaarka.” Ayuu mar kale yiri guddoomiye Kaliil.

Labadii sano ee ugu dambeysayba gacan ku heynta gobolka Gedo waxaa ku loollamayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo uruka Alshabaab, waxayna labada ciidan ku kala sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka, wuxuuna loollankaasi sababay ammaan darro kallifaty in hay`adaha samafalku aysan ku dhiirran gargaar geynta gobolka.

MG/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here