Caqabado badan ayaa hor yaallay hirgelinta af-Soomaaliga, sida ay sheegayaan guddigii loo xil saaray qorista far-Soomaaliga sanadkii 1972dii.
Guddoomiyaha guddigaasi loo xil saaray hir gelintii far-Soomaaliga, Shariif Saalax Maxamed oo ka hadlayey kulan horumarinta farta looga hadlayey oo ka dhacay waddanka Jabuuti ayaa sheegay in waxyaabihii soo bislaanayey 19kii sano ee ka horreeyey 1972dii ay ahaayeen arrimo wax badan lagu muransanaa, iyadoo la soo bandhigay 43 fikradood oo qoraal ahaan kala geddisanaa.
Go’aannadii golihii kacaanka uu qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa in xoog lagu hir geliyo nooca ay u arkeen markaas inay haboon tahay, marka ugu horraysana lagu bilaabo hay`adaha dowladda sida ciidamada qalabka sida, waxayna u qaateen si fudud, sidoo kale khubarradii afka qoraysay ayaa soo jeedisay in la hir geliyo ololihii horumarinta reer miyiga ee lagu barayey dadka qorista far-Soomaaliga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jireen caqabado kale oo ka imaanayey qolyo u ololeynayey in xarfaha carabiga lagu qoro far-Soomaaliga, ayna ugu horreeyeen culimadii diinta halka kuwo kalena u doodayeen in lagu qoro fartii la oran jirey Cismaaniyada, taasoo golihii sare ee kacaanku go`aansaday inay qaataan farta Laatiinka iyadana laga dhigo mid la hir geliyo, sababaha loo doortay ayaana ahaa duruufaha dhaqaale ee waddanka oo liidatay, iyadoo ay sahlanayd in la helo qalabka dowladdu ku shaqayso oo ahaa kuwii ka haray gumaystayaashii isticmalayey farta Taliyaaniga iyo Ingiriiska, dowladduna aysan u hayn kharash ay ku beddesho.
Shariif Saalax oo ah guddoomiyaha guddigaan kana hadlayey shirkaas ayaa sheegay in saddex qodob jireen oo miiska saarnaa xilligii la qorayey farta, tan koowaad oo ahayd, in afti dadweyne la qaado farta la qaadanayo, laba in golaha baarlamaanka la hor geeyo, tan saddexaad oo ahayd in farta la doorto xoog loo adeegsado meel marinteeda, iyadoo saddexaas qodob jiraan ayaana la magacaabay gudigaan aan madaxda u ahay ayuu yiri Sharif Saalax, iyadoo markaasna waxbadan is dhex yaaleen sida, in af carabi lagu qoro far Soomaaliga iyo dodo kale oo badan.
Guusha ugu weyne ee la gaarayse waxay ahayd in hal go’aan dawladdii kacaanku qaadatay ayna ku meel marisay awood, kadibna la bilaabay dadaal la mahadiyey oo dadka lagu gaarsinayo wax akhris iyo qorista, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shirkaas ayaa sheegay “Wuxuu ololihii wax akhriska afsoomaaligu kor u qaaday 55% heerka qoris iyo akhris ee dadka Soomaaliyeed isagoona markii hore dadka wax qora waxna akhriyaa ee Soomaaliyeed ahaayeen 2%”
MH/FM/AM