U HIILLINTA AFKA HOOYO

0
153

Waxaa marag ma doonto ah in ummad kasta jiritaankeedu uu ku xiran yahay siday u xannaanayso una hor mariso dhaqankeedda, afkeedda iyo waxyaalaha ka marag kacaya jiritaankeeda, taasoo haddii laga tago marag ma doonto ah inay ummaddaasi ka baxayso taariikhda kuna biirayso bogagga dad laga sheekeeyo inay waayo hore jiri jireen, mark ugu dambaysana noqda kuwo awoow ka sheekee ah.

17 ilaa 22kii December 2012 waxaa magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti lagu qabtay shir si hagaagsan loo soo agaasimay, runtiina dawladda iyo dadka reer Jabuuti xil dheeraad ah ay iska saareen, ayna ku kulansiiyeen, madax kala duwan, hoggaamiyayaal tacliin, ururro bulsho, aqoon yahanno iyo xubno ka socday dadka wax qora iyo kuwa hal abuurka leh ee Soomaaliyeed, kana kala yimid qaybaha Soomaaliya, waddamada deriska iyo dacaladda kale ee aduunka.
Madaxda dawladaha waxay ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isaga marti loo ahaa, madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidoo kale waxaa wafdiyo balaarani ka yimaadeen dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u hogaaminayey wasiirka xiriirka iyo dhaqanka Maxamed Guure Ciise, sidoo kale waxaa jiray iyana wefdi ka yimid maamul goboleedka Puntland uuna hogaaminayey madaxa xarunta dhaqanka iyo suugaanta Axmed Sheekh Jaamac.

Iyagoona dhamaantood noqday hal cod, kaasoo ka turjumaya in afkani yahay xiriirka iyo dhaxalka umaddu leedahay, hoggaamiyaashuna balan qaadeen inay qaadanayaan doorkooda ku Aadan sidii loo sal dhigi lahaa, looguna samayn lahaa xarun noqota goobta laga horumariyo.
Ka sokow madax waxaa marna aan la ilaawi karin oo iyana goobta yimid inta tirada yar ee ka noolayd gudiiggii 21ka xubnood ahaa ee loo xilsaray hirgelinta farta Soomaaliga, kuwaasoo kala ah; Shariif Salax Maxamed Cali  oo ahaa gudoomiyihii guddigaan Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Sheekh Jaamac Cumar Ciise, Cabdilaahi Xasan Insaaniya, Dahabo Faarax,Cumar Awnuux.

Shariif Saalax oo aha guddoomiyaha guddigaan kana hadlayey shirkaas ayaa sheegay in saddex qodob jireen oo miiska saarnaa xilligii la qorayey farta, tan koowaad oo ahayd, in afti dadweyne la qaado farta la qaadanayo, laba  in golaha baarlamaanka la hor geeyo, tan saddexaad oo ahayd in farta la doorto xoog loo adeegsado meel marinteeda, iyadoo saddexaas qodob jiraan ayaana la magacaabay gudigaan aan madaxda u ahay ayuu yiri Sharif Saalax, iyadoo markaasna waxbadan is dhex yaaleen sida, in af carabi lagu qoro far Soomaaliga iyo dodo kale oo badan.

Guusha ugu weyne ee la gaarayse waxay ahayd in hal go’aan dawladdii kacaanku qaadatay ayna ku meel marisay awood, kadibna la bilaabay dadaal la mahadiyey oo dadka lagu gaarsinayo wax akhris iyo qorista, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka  hadlayey shirkaas ayaa sheegay “Wuxuu ololihii wax akhriska afsoomaaligu kor u qaaday 55% heerka qoris iyo akhris ee dadka Soomaaliyeed isagoona markii hore dadka wax qora waxna akhriyaa ee Soomaaliyeed ahaayeen 2%”
Shirkaan ayaa qodobbadii ka soo baxay waxay ahaayeen siduu akhriyey gudoomiyihii guddiga qaban qabaada shirka 40 guurada farta  Soomaaliga ee Jabuuti mudane Cabdala Xaashi Qorax sida tan.

In la aasaaso akademiye uu leeyahay afka Soomaaligu, kadib markii ay aqoonyahanadu shirka ka cadeeyeen in afka hooyo yahay furaha aqoonta iyo horumarka, markii ay arkeen dhibaatada haysata afka Soomaaliga tan iyo intii burburka, marka la fiiriyey baaqii naadiga qalinlayda Soomaaliyeed ee Somalipen, kuna saabsanaa wax ka qabashada afsoomaaliga, waxayna isla garteen, dhisida xarunta ADA,  ayna noqoto hay’ad gobol, ayna wadaagaan dhamaan dawladaha dalalkooda looga hadlo Afka-soomaaliga,

In dabayaaqada bisha June ee 2013 shir dambe dib la isugu soo noqdo Jabuuti, iyadoona loo xil saaray mudadaas ururinta dhamaan xogaha loo byaahay guddi kala ah, Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil Gudoomiye, Maxamed Daahir Afrax ku xigeen, Dr. Cabdinaasir Axmed Ibrahim Xoog hayn, Mudane Aadan Xasan Aadan, Prof. Maxamed Xaaji Raabi, Dr. Hibo Mumin, Dr. Mustafe Cali Fayruus, Prof. Siciid Saalax Axmed, Prof. Cabdal Cumar Mansuur.

Shirkaan iyo xilliga uu ku soo beegmay ayaa ah waqti dadka warbaahinta ka shaqeeya ama wax qoraa niyadda ku hayaan dhibaatada dhinaca qoraal ee haysata, iyagoon haysan goob ay ula noqdaan wixii talo iyo tifaftirid ka siin lahaa adeegsiga luqo si loo barax tiro dhamaan nuxurka iyo fahamka Af soomaaliga, waxaa kaloo jirta in dhowaan machadka calamiga ah ee (African Language Acedemy) uu ka mid dhigay Af soomaaliga 11 af oo laga xushay dhamaan Afrika, noqdayna afafka ka tallaaba xuduudaha, isagoona ururka Midowga Afrika qaybtiisa horumarinta afafku ballan-qaadeen inay kobcin ku samayn doonaan.

Mohamed Hassan

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here