DAYACTIRKA WADDOOYINKA KISMAAYO

0
80

Howlo dib loogu dayactiraayo waddada weyn ee laamiga ah ee magaalada Kismaayo oo aanan helin dayactir ku filan muddo labo sanadood ah, taasoo sanadihii ugu dambeeyay ay ka muuqdeen burbur iyo boholo ka dhashay roobabkii ka da’ay  magaalada, wuxuuna dhererkeedu yahay 3 KM.

Madaxa arrimaha bulshada maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in dayactirkan ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan bilicdii wadooyinka ee magaalada, islamar ahaantaasna ay u fududeeyaan gaadiidka si ay u istcmaalaan wadada iyo ganacsiga. “Dayactirka aan wadooyinka Kismaayo ka bilownay waxay qeyb ka yihiin adeegyada horumarineed ee Kismaayo” ayuu yiri Seeraar.

Qaar ka mid ah darwallada baabuurta magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay tillaabadaas maamulka, iyagoo sheegay in howlahaan dayactirka ah ee lagu sameenayo waddooyinka ay wax weyn ka baddeli doonaan isticmaalka isu socodka iyo horuumarka degmada Kismaayo guud ahaan.

Khadar Maxamud Xareed/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here