ROOBAB XOOGGAN OO KA DA`AY BARI

0
41

Roobab xooggan oo dabeylo wata ayaa ku dhuftay degmooyinka Bander Beyla iyo Xaafuun ee gobolka Bari, roobabkan oo ah kuwo u geystay degmooyinkaas burbur lixaad leh.

Khasaaraha roobabkaasi ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in la la`yahay Gudoomiyaha degmada Bandar-bayla Saciid Aadan Cali (Anteeno) ayaa u sheegay raadiyo Ergo sidan “Khasaaraha waxaa ka mid ah burbur waddooyinka ah, guryo ay dumiyeen roobabku iyo doonyo ay la socdeen kalluumeysato oo la la`yahay, balse wax dhimasho ah weli ma heyno.”

Badda gobolka Bari ayaa kacsan saakay oo kalluumeysatadu aysan u shaqo aadin,iyadoo roobabkan ay kusoo beegmeen saacado un kahor markii khubarrada saadaasha hawada ay ka digeen roobab iyo duufaanno ku wajahan qaar ka mid ah degmooyinka saaran badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Axmed Soomaali/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here