PUNTLAND OO KA DIGTAY DUUFAANNO KU SOO WAJAHAN XEEBAHA BARI

0
53

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland ayaa ka digtay duufaanno la sheegay inay kusoo wajahan yihiin culeyskooda xeebaha gobolka Bari.

Duufaantan oo loogu magacdaray (Four) ayaa laga cabsi qabaa inay saameyso qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegayso hay`adda la socoshada isbeddellada cimilada caalamka iyo jawiga hawada ee Nella,waxaana la saadaalinayaa in xooggeeda ay gudaha dalka u soo gasho maalinta talaadada ah ee taariikhdu ay tahay 25ka bishan Disembar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdiwaaxid Maxamed Xersi Joocaar ayaa u sheegay raadiyo Ergo in duufaantan ay la mid tahay tii 2004tii ku dhufatay qeybo ka mid ah xeebaha gobolka Bari, wuxuuna yiri “Waxaa kus oo beegana xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya dabeyl soconeysa 80 meyl saacaddii, gaar ahaanna waxay ku soo beegan tahay xeebaha Bari, waxaana dadka uga digeynaa inay taxaddar muujiyaan.”

Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin u direysa dadka ku nool deegaanno-xeebeedyada saaran badweynta Hindiya, gaar ahaan kuwa ku nool goballada Bari, Nugaal iyo Mudug inay ka feejignaadaan duufaantan wadata dabeylaha xooggan ee khatarta gelin karta noolasha dadka iyo duunyadaba.

Axmed Nuur Soomaali/FM/AM

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here