QM iyo la howlgaleyaasheeda ayaa codsanaya $8.5 bilyan si loogu gargaaro 51 milyan oo qof oo ku nool caalamka, sanadka soo socda ee 2013ka.
Isku xiraha arrimaha bini`adaannimada iyo gargaarka deg degga ah ee QM, Valerie Amos, ayaa sheegtay in dadka u baahan gargaarka ay yihiin kuwo guryahooda laga soo barakicyay oo ay heyso gaajo isla markaana ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah.
Xafiiska arrimaha bini`aadannimada QM, OCHA ayaa sheegay in 15 dal ay yihiin kuwo diiradda saaran sida Afghanistan, Burkina Faso, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya, Mali, Mauritania, Niger, Philippines, Somalia, South Sudan, Sudan, Yemen iyo Zimbabwe.
Ms. Amos ayaa carrabka ku adkeysay baahida ka jirta qaar ka mid ah waddamadaas, iyadoo sheegtay in hal milyan oo carruur ku sugan Yemen ay heysato nafaqo-darro, halka 1.7 million oo qof oo ku sugan Niger ay heysato cunno yaraan, iyadoo haaf milyan laga soo barakicyay gurayhooda ku yaalla Koofurta Suudaan ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.
Codsiga gargaarkan ayaa hoos imaanaya hannaanka codsiga isku xiran ee loo soo gaabiyo (CAP), kaasoo tan iyo intii QM ay hirgelisay sanadkii 1991dii noqday hab ay dunida iyo ururrada samafalkaba u adeegsadaan qorsheynta, isku dubbaridka, maalgelinta, hirgelinta iyo kormeerka waxqabadyadooda.