Warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay ka soo saartay arrimaha kala gudbinta dadka ayey ku sheegtay in sanadihii tegey 27% dadka la tahriibiyey ahaayeen carruur. Warbixintan oo sanadle ah ayna soo saaray waaxda denbiyada iyo maandooriyaha ee ODC ayey ku soo bandhigtay baaritaan ay samaysay intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2010.
Tahriibinta dadka sida sharci darrada ah ayaa u bahan hannaan sharci oo adag oo difaaca dhibbanayaasha caddaaladdana hor keena kuwa denbiilayaasha ah, iyadoona u bahan in loo maro adkaynta waaxaha socdaalka iyo hirgelinta sharciyada shaqaalaha ayuu yiri madaxa guuud ee ODC yury Fedotov.
Warbixintaan waxay soo bandhigtay dadka la tahriibiyey iney qaar badani yihiin gabdho yaryar kuwasoo noqonaya saddex meelood laba, halka inta kalena yihiin wiilal.
Kala gudbinta dadka ayaana ku dhisan hannaan farsamaysan oo isku xiran min gobol ilaa qaran ilaa calami, keliyana looga hor tegi karo hannaan calamiya oo dhammaan waddamadu ka wada qayb qaataan, iyadoona sharciga caalamiga ah ee joojinta kala gudbinta dadka ay ilaa hadda ansixiyeen 133 waddan, inkastoo uusan haddana si hagaagsan u shaqayn.
ODC warbixintaan ay soo saartay ayey ku xustay goobaha waqtigan ugu badan ee dadka laga soo tahriibiyo 68% ayaa ah qaarada Afrika iyo Bariga dhexe halka 39% laga soo tahriibiyo dadka bariga iyo koonfurta Aasiya iyo waddamada ku yaalla Basoofik, 27% ayaa ah qaradaha Ameeriaka halka Yurub iyo bartamaha Aasiyana noqotay 16%.
Dadka waqtigan ugu badan ee la tahriibiyo ayaan sidoo kale warbixintu ku sheegtay iney yihiin haweenka, noqdana dhibbanayaal gacanta u gala arxan laawayaal dhaqaale doon ah.
UNODC ayaa warbixinteedaan ku soo afmeertay in dhibbaatadaan ay fursad siisay dawladaha iyo dadka aan aqoon fiican u lahayn culayska denbi ee arrintaan leedahay iyo malaayiinta la tahriibiyo dhibaatada loo geystay, waxayna golaha ammaanka ugu baaqday in la dardar geliyo sharciga caalamiga ah ee laga soo saaray arrimaha kala gudbinta dadka sanadkii 2000 kaasoo ka dhigaya denbi calami ah, xididdadana loogu siibo kuwa dhaqaalaha ka sameeya arrimahan.