SOOMAALIDA KOOFUR AFRIKA OO SAFARRADOODII DIB U BILAABAY

0
74

Waaxda arimaha debadda ee Koofur Afrika ayaa dib u fasaxday safarradii ay Soomaalida dib ugu laabanayeen dalkooda ka dib markii maalmo ka hor xabsiga la dhigay Soomaali u laabanaysay dalkooda.

Arintan ayaa la xiriirtay iyadoo ay dawladda Koonfur Afrika ay reebtay in lagu socdaalo baasaboorradii hore ka dib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay ku soo wargalisay inaan lagu socdaali karin baasaboorradaas. Ilaa siddeed qof oo Soomaali ah ayaa lagu xirey Thabo International airtport ee magaalada Johanseburg kuwaasoo la sheegay iney ku socdaali rabeen baasboorradii hore inkastoo markii dambe la sii daayey dadaal ay u galeen jaaliyadda Soomaalida aawadeed iyadoo ay dibna ugu laabteen Soomaaliya.

Cabdisalaan Axmed Nuur oo ka mid ah dadka u ololeyo arrimaha Soomaalida ayaa raadiyo Ergo u sheegay in aanay dawladda Koonfur Afrika u diidin Soomaalida inay dalkooda dib ugu laabtaan balse ay diideen oo keliya in lagu baxo baasaborradii hore.

Mar aan waydiiyay in dowladda Koonfur Afrika ay gabi ahaanba joojisay in Soomaalida aadaan dalkooda wuxuu sheegay in warkaasi uusan ahayn mid sax ah oo ay Soomaali badan  habeen walba aadaan Soomaaliya.

Waxaa dhaowaan la filayaa in dowladda federalka ee  Soomaaliya ay furto Safaaradeeda Koofur Afrika is ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka haysta Soomaalida socdaalka iyo nabadgelyada.

Cabdulqaadir Axad/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here