Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Natiijadii Muranka Badan Dhalisay u Gudbiyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in guddida doorashooyinka Somaliland ay maxkamadda gobolka Hargeysa u gudbiyeen goáanka natiijadii muranka uu ka dhashay ee golayaasha deegaanka magaaladaas.
Codadkii laga tiriyay degmada Faraweyne oo ka tirsan magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhashay muran, kaa soo sababay in rabshado ay ka dillaacaan halkaas.
Ciise Yuusuf Xamari oo ah guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somalialnd ayaa sheegay in ay qiimeeyeen islamar ahaantaana ay dib u eegeen codadkii laga tiriyay Hargeysa, isla markaana ay saxeen murankii ka taagnaa degmada Fara weyne oo ay sheegeen guddida in si qalad ah uu ku dhacay.
Guddida ayaaa ugu dambeyntii sheegau in wixii cabasho ah loo gudbin karo maxkamada gobolka Hargeysa, taa oo xalka ugu dambeeya ka gaari doonta.
Somaliland waxaa 28-kii bishii November ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo ay ku tartameen xisbiyo kala duwan.
MG/