Guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas (ICRC) ayaa soo dhoweeyay dhaqan gelidda uu maanta dhaqan galayo kulanka Midowga Afrika ee difaacidda iyo caawinta barakacayaasha ku sugan Afrika, taasoo sidoo kale loo yaqaanno kulankii Kampala.
Kulankii Kampala ayaa ah heshiiskii ugu horreeyay ee caalamiga ah ee difaacidda iyo caawinta barakacayaasha gudaha dalkooda ku barakacay ee qaaradda Afrika. Waxay kusoo rogeysaa dalalka mas`uuliyado lagu difaacayo laguna caawinayo barakacayaasha sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwo aadmigu sababo sida isku dhacyada hubeysan. Kulankan ayaa dhaqan geli doona maanta oo bisha December ay 6 tahay, 30 maalmood kadib markii dalka 15aad ee Afrika, Swaziland, ay oggolaashaheeda u gudbisay Midowga Afrika.
“Tanoo ah dukuminti sharci ah iskuna xiraya dhammaan waddamada Afrika-saddex meel ka meel waddamada dunida-hannaanka heshiiska wuxuu wakiil ka yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo difaacidda iyo caawinta barakacayaasha ku nool Afrika,” sidaa waxaa yiri Bruce Mokaya Orina, oo ah madaxa wafdiga ICRC ee Midowga Afrika. ICRC ayaa ka shaqeysa difaacidda nolosha iyo sumcadda dadka ay saameeyeen isku dhacyada hubeysan iyo xaalado kale. Dad badan ayaa bakaracaal ah. ICRC keliya ayaa caawisay in ka badan 2.2 million oo qof kuwaasoo gudaha Afrika ku barakacay sanadkii 2012kii iyo ku dhowaad 4 million oo barakacay sanadkii 2011kii.
“ICRC waxay qeyb ka qaadatay hab-socodka heshiiska waxayna dabada ka riixday saxiixidda heshiiska iyo dhaqan gelintiisa mustaqbalka si heer qaran ah ay u hirgeliyaan dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga,” sidaa waxaa yiri Mr Orina. Iyadoo heshiisku uu sidoo kale huwan yahay xaalado sharciga caalamiga ah ee bini`aadannimada-shuruucyo lagu raadinayo xaddididda saameynta isku dhacyada hubeysan ay geystaan ayaa ah mid muhiim ah oo meesha ku jira, ICRC ayaa u taagan caawinta dalalka dadaalka ugu jira dhaqna gelinta sharcigooda gudaha.