FAO OO U CODSANEYSA SOOMAALIYA KAALMO DHEERAAD

0
105

Ururka cuntada iyo beeraha QM ee FAO ayaa codsanaya US$443 milyan saddexda sano ee soo socota, si loo sii wado kaalmada bulshadii ay saameysay macluushii ka jirtay Soomaaliya, taasoo si rasmi ah u dhammaatay sanadkan 2012ka.

Sanadkii  2011kii, sanado isku xiran oo dagaallo ah, abaaro iyo qiimaha cuntada oo sarreysa ayaa barakiciyay dad dgaaraya 4 milyan oo qof, kala bar bulshada soomaaliyeed ayaa wajahay xaalad cunno yaraan taasoo sababtay in tobnaan kun ay dhintaan, gaar ahaan carruurta ka yar da`da shanta sano.

Inkastoo 2.12 milyan oo Soomaali ah ay weli xasarado ku jiraan, dalka ayaa haya waddadii soo kabashada. Iyadoo la shaqeyneysa la howlgalayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, qorshahan FAO ayaa ah sidii looga caawin lahaa beeralleyda iyo xoolalleyda sidii ay noloshooda dib ugu dhisi lahaayeen.

“Sugnaanta cunnada waa hannaan muddo dheer qaadanaya sidaas darteed baan xoogga u saareynaa qorshaha dheer ee codsigan soconaya muddada 2013-15ka, ” sidaa waxaa yiri Luca Alinovi, oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya.

FAO ayaa raadineysa $375 milyan iyo $68 milyan oo loogu tala galay saddexda sano ee soo socota, sida uu sheegay, waxaana barnaamijkan lagu beegsanayaa 42 000 oo qof kuwaasoo gudaha Soomaaliya ku barakacay.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here