CAQABAD SOO WAJAHDAY SOOMAALIDA KU NOOL KOOFUR AFRIKA

0
70

Soomaalida ku dhaqan waddanka Koofur Afrika ayaa ka cabanaya  sharci dhowaaan ay soo saartay waaxda socdaalka waddankaasi, kaasoo ku  aaddan in la joojiyay waraaqaha loo yaqaanno  “Go home” ee u sahli jiray dib ugu noqoshada dalka.

Waraaqahaan ayaa  dadka Soomaalida ah ee ku nool waddanka Koofur Afrika, waxay ka caawinayeen inay si sahlan dib ugu laaban karaan dalkoodii hooyo .

Weriye Axmad shariif Codka, ayaa idaacadda Ergo u sheegay in sharcigaan uu khuseeyo dadka Soomaalida ah oo keliya, balse aanu saamayn ku yeelan doonin  dadka kale ee ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi.

“Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan waddanka Koofur Afrika aad ayay uga xun yihiin sharcigaan lagu hakinayo warqadaha dib u noqoshada dalka, wxayna sheegeen inay doonayaan in dalkoodii hooyo ay dib ugu laabtaan, balse loo diiday waraaqadihii ay ku noqon lahaayeen”.

Dhinaca kale guddi ay  leeyihiin  Soomaalida ku nool dalkaasi Koofur Afrika ayaa wada dadaallo ay kula xiriirayaan hay`adaha caawiya dadka qaxootiga ah si ay ugala hadlaan arrintaan ku aaddan waraaqahan dib ugu laabashada dalka.

Si kastaba  ha ahaatee arrintaan ayaa haddii ay sii socoto waxay caqabad weyn ku noqon kartaa Soomaalida doonaysa inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyadoo ay adagtahay in Soomaalida ku dhaqan halkaasi ay helaan baasaboorka cusub ee Soomaaliga ah .

Wasaaradda   socdaalka u qaabilsan dalkaasi Koofur Afrrika ayaa sheegtay in arrimo badan oo jira dartood loo joojiyay warqadahaasi.

AA/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here