Mid kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada waddankaasi South afrika yaa dhintay mid kalana waa ku dhaawacmay ka dib markii kooxo hubaysani ay habeenimadii arbacada ku weerareen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen magaalada Capetown ee waddanka South africa.
Wiilkaan la dilay oo lagu magacaabo Abuukar Cabdulle Carooni ayaa la sheegay in kooxo hubaysani ay rasaas ku fureen isla goobtiina uu ku geeriyooday, sidoo kale wiilka kale ee dhaawacmay ayaa isagana la sheegay in ay walaalo ahaayeen Abuukar kaasoo haatan lagu daweynayo cusbital ku yaala Capetown isagoona la sheegay in rasaas ay kaga taalo qeybta sare ee jirkiisa.
Wariye lagu magacaabo Axmad Shariif Codka oo ku sugan Capetown ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ciidamo booliis ah ay yimaadeen goobta wax yar ka dib markii mashaqadasi dhacday mana jirto ayuu yiri cid ilaa iyo haatan loo qabtay weerarkaasi.
Dilkaan waxaa geystay sida aan wararka ku heleyno ilaa afar nin oo ku hubaysnaa bistoolado, markii ay xabbadaha ku fureen wiilashana wey baxsadeen sidaana waxaa Ergo u sheegay wariye Axmad Shariif oo intaasi ku daray in burcaddaasi aanay u muuqanin kuwa doonayay in ay dhacaan dukaanka balse doonayay oo kaliya in ay dilaan wiilasha tanoo ah ayuu yiri dhacdo ku cusub Capetown.
Si kastaba ha ahaatee falalka isugu jira dhaca iyo dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaalida ee ku ganacsata waddankaasi South africa ayaa muddooyinkii dambe sare u kacay kadib markii ay xoogeysteen dilalka loo geysanayo dhallinyarada Soomaalida ee halkaasi ku ganacsata.
AA/MH