Xaalado cunto yaraan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka jirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo codsanaya gargaar bani`aadannimo oo deg-deg ah.
Axmed Xareed, waa mid ka mid ah duqeyda magaalada, waa Aabbe leh laba xaas iyo carruur, saddexdii sano ee la soo dhaafayna ma helin wax shaqo ah, isagoo u warramayay raadiyo Ergo ayuu yiri “Tan iyo intii ururka Al shabaab oo magaalad ka talin jiary ay joojiyeen adeegyo badan oo shaqooyin laga heli jiray, ma helin wax shaqo ah, haatan gacmaheygu waa maran yihiin, mana heysto wax aan carruurteyda ku quudiyo, xitaa qiimaha raashiinka ayaa kor u sii kacay tan iyo intii dagaalku uu soo gaaray magaalada”.
Aamina Mocow, oo iyadu ah hooyo saddex carruur ah leh aya iyaduna tiri “Waxaan u qaxay magaalada Kamsuuma oo 90km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo intii ay dagaalladu socdeen, dhammaan dadkii Kamsuuma u qaxay dib bey u soo laabteen, anigana 10 beri kahor baan soo laabtay waxaanan degay xaafadda Calanleey, ma heysanno cunto, waxaana dalbaneynaa in naloo soo gurmado.”
Axmed Maxamed Buraale, oo sidoo kale deggan Kismaayo waa 24 jir, wuxuu sheegay in dakhligiisu uu ku tiirsanaa dhuxusha, balse haatan ka ganacsiga dhuxsha ee magaaladaasi waa la mamnuucay, sidaas ayuuna shaqadiisii ku waayay.
28kii September ayaa ciidamada Kenya oo ay horkacayaan kuwa dowladda Soomaaliya ay si wada jir ah u qabsadeen magaalada Kismaayo, oo ay muddo saddex sano ay gacanta ku hayeen uruka Alshabaab.
MH/FM/AM