Dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Kambaaso oo ku taalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya inay haystaan dhibaatooyin nololeed, qaar ka mid ah dadka ku jira xeradaas oo Ergo la hadlayey ayaa sidoo kale codsaday gargaar in lala soo gaaro.
Haweeney la yiraahdo Xabiibo Cabdi Xaashi, oo ka mid ah guddiga xeradaas kana soo barakacday degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo ayaa sheegtay in dhibaatada ugu darani ay tahay hoy iyo cunto la`aan, iyadoo xilli roobaad lagu jiro, “Habeenkii bannaanka ayaan seexannaa oo ilmihii daadsan yihiin qabowga jira”.
Dadka ku jira xeradaan ayaa sheegaya inay barakacayaasha qaarkood billaabeen inay ka tagaan xeradaas, qaar waxay galayaan xeryaha qaxootiga ee Doolow Itoobiya, halka kuwo kalena dantu ku celinayso Bay iyo Bakoo kuwooda awooda.
Xeradaan ayaa dadka ku jira ay yihiin kuwii ay soo barakicisay abaartii sanadkii tegey ku dhufatay gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyagoo guddiga xeradaasi ay sheegayaan inay quud darraynayaan inay dadka deegannadoodii ku noqdaan, dhibaatada jirta darteed aysan cunto heysan.
Cabdiqani Cabdillaahi oo isna ka mid ah dadka ku jira xerada ayaa sheegay in biyaha, sahayda caafimaadka iyo nabad gelyada xeradu ay wanaagsantahay, laakiin dhibaatadu tahay hoy la`aan.
Maxamed Macalin/MH/FM