Xabsiyo ku yaalla ku yaalla wadanka Tanzania ayaa lagu soo waramayaa in ay ku tabaaleeysan maxaabiis Soomaali, oo badankood ay xirxireen ciidamada waddanka Tanzania xili ay si sharci darro ah ugu safrayeen wadankaas, oo ay doonayaan in ay uga sii gudbaan dhinaca koonfureed ee qaaradan Afrika.
Haddaba idaacada Ergo oo goor sii horeysay ay u suurtagashay iney wareysi kula yeelatay qaar ka mid ah maxaabiista Soomaalida ah oo ku xiran xabsi ku yaalla waddanka Tanzania ayaa waxa ay maxaabiistaan noo sheegeen in ciidamada ilaalada xabsiyada Tanzania ay kala kulmaan dhibaatooyin isugu jira garaacid iyo in muddo dheer xabsiyada la isaga hayo iyagoo aan caddaaladda la hor keenin iyo in beeraha lagu fasho. Jaalliyada Soomaalida ee wadankaas Tanzania ayaa sheegaya in ay ka war hayaan xaaladaha adag ee ku haysta maxaabiista xabsiyada, iyagoo sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay cadaadis adag kala kulmaan xabsiyada oo loo diiday in ay booqdaan maxaabiista.
Maxamed Moojooy oo kamid ah jaalliyada Soomaalida eek u nool wadanka Tanzania ayaa idaacada Ergo u sheegay in sidoo kale ay jiraan maxaabiistaan xabsiga ku dhex dhinta, ka dib markii ay ku dhacaan cudurro.
Haddaba si aan arrimahaas wax badan uga ogaano ayaa idaacada Ergo ay wareysi xaaladda muhaajiriinta kala yeelatay Xusna Tandhika oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska hayádda muhaajiriinta caalamiga ah ee IOM ee magaalada Darasalaam, Maxamed Gaarane ayaana wareystay.
Haddaba ka dhegeyso wareysiga oo dhameystiran raadiyo Ergo barnaamijkiisa 08 November 2012