WEBIGA SHABEELLE OO FATAHAY

0
135

Webiga Shaabeelle oo fatahay ayaa xiray qaybo ka mid ah waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Beledweyne, iyadoo ay ku adkaatay dadka safarka ah inay isticmaalaan.

Daadadka ka soo fatahay kanaalka Shiinaha ee u dhow deegaanka Buurane ayaana hadda xiray waddada. Haweeney ka mid ahayd dad rakaab ah oo muddo saddex maalmood ka badan ku soo jirtay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Beledweyne ayaa Ergo u sheegtay “Xamar ilaa Buurane biyo ayaan ku soo soconnay, meeshii ugu darneydna Buurane ayey aheyd, gaadiidkii waan ka degannay lug ayaan isticmaalay, biyo xawli u socda ayaana meel kasta ku arkeysaa, aniga biyahaan ku lugeynayey ayaan ku dhacay oo dhaawac iga gaaray lugta, gawaari ku qalibantay waan aragnay, kuwo badan oo biyaha dhex yaallana waan soo dhaafnay”.

Cabdi Maxamed Xasan, oo ah darawal isticmaala waddadaas, kana shaqeeya inta u dhaxeysa Jowhar iyo Beledweyne ayaa Ergo u sheegay in maalmo ka badan saddex ay ku soo jireen waddada, isagoo sheegay in laba habeen uu biyo ku jiray gaarigiisii, carruurtii iyo dadkii jilicsanaana ay ku rafaadeen, laamigiina bohollo dhaadheer ayaa ka qodan, kuwaasoo biyihu dabooleen, gaadiidkuna ku qalibmaan, isagoo sheegay in gaadiid badani hadda ku jiraan.
Mashruuca SWALIM oo u qaabilsan hay`adda cuntadda iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO, ayaa saadaasheedii ugu dambeysay ee cimilada Soomaaliya kaga digtay in webiga Shabeelle uu fatahaad geysanayo.

Cabdullaahi Salaad/MH/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here