Dadka muruqmaalatada ah ee ka shaqeeya shaqooyinka xoogsiga ah ee ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxay ka cabanayaan shaqo yari lasoo daristay.
Dadkan muruqmaalka ah oo badi lagu arkayo goobaha waddooyinka agagaarkooda ah, halkaasoo ay ku sugaan cid ka kaxeysata oo ay shaqooyin u qabtaan, ayaa sheegaya in habkii ay ku maareyn jireen nolosha ay ku adkaatay. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinkan shaqo yari, haddana lamahayo tirakoob ku saabsan dadka shaqo-gacmeedka xoogsiga ah noloshooda maalinlaha ah ay sida tooska ah ugu tiirsanayd ee haatan shaqo beelay.
Maxamed Axmed Dagaal, oo ah 70jir fuundi ah ayaa raadiyo Ergo u sheegay inay saamayn ku yeelatay dad badan oo ka guuray magaalada Beledweyne markii ay daadadku dhaceen, isagoo tilmaamay in sidii ay u dhammaatay fatahaaddii magaalada ku dhufatay ay hoos u dhaceen shaqooyinkii ay qaban jireen.
Inta badan shaqaalahan ayaa qaban jiray dhismaha guryaha iyo shamiindeyntooda, waxaana sida uu sheegay Maxamed Axmed uu isagoo haatan sii duqoobaya ay aad ugu adagtahay noloshaan. Shaqaalaha la midka ah Maxamed waxay helaan 200,000 ilaa 300,000 oo shillinka Soomaaliga ah
Inkastoo Muruq-maalatadan dadka ay shaqada ka heli jireen ee fatahaadaha uga baxay guryahooda ay qaarkood si tartiib tartiib ah usoo guryo-noqdeen, ayaa haddana weli u muuqan in toddobaadkan iyo kan xiga ay shaqo gacmeedki xoogsiga ay dib u soo laaban doonin, sababo la xiriira roobabka oo dhismaha ka dhigaya mid qoyan.
Abdullahi Salad/MG/FM