Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 50 qoys oo dowladda Mareykanka u fidisay dib u dejin dalkeeda ah, ayaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Enteppe ee dalka Uganda.
Dib u soo celinta qaxootigaan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay dabeylaha Sandy ee dhowan ku dhuftay qeybo ka mid ah waddankaasi Mareykanka.
Weriyeheenna Maxamed Ibraahim Raage, oo ku sugan magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, ayaa soo sheegay in qaxootigaan si ku meel gaar ah loo dejiyay hotel ay kharashkiisa ka bixinayso Qaramada Midoobay. Raage ayaa intaasi ku daray in qoysaskaasi laga yaabo in maalmaha soo aaddan loo oggolaado inay dhoofaan.
Uganda, waxaa ku yaalla xerooyin qaxooti kuwaasoo ay ku jiraan qaxooti ka soo kala jeeda waddamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kongo, Ruwadanda, Burundi,Koofurta Suudan, Itoobiya iyo Eretereya, kuwasoo dhammaantood halkasaai u jooga sababo kala duwan.
Qaxootigaan ayaa inta badan waxaa loo qaadaa oo dib u dejin u sameeya waddamo ay ka mid yihiin Mareykanka, Austaraaliya, Kanada , Sweden, Norway, iyo waddamo kale, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay garoonka Entebbe aad uga dhoofayay qaxooti kala duwan.
Dhinaca kale, dowladda Uganda ayaa wax ka baddashay shuruudihii ay ku xiri jirtay dadka Soomaaliyeed ee u soo socdaalaya dalkeeda, kuwaasoo ahaa in qofka wata baasaboorka Soomaaliga ah looga baahan yahay in garoonka uu ka soo bixiyo qof damiin ka ah oo lala sawiro, haddii qofkaas la waayana aan loo oggolaan jirin inuu gudaha u galo dalka, taasoo hadda lagu baddalay oo kaliya in qofku uu buuxiyo foom yaalla gudaha garoonka, ka dibna uu magaalada gali karo.
AA/FM/AM