MADAXDA DALKA OO DIRAY FARRIINTA CIIDUL ADXA

0
40

Munaasabada ciida carafo darted waxaa maanta madaxda sar sare ee dalka ay  shacabka Soomliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabada ciidul Adxa, iyagoo u rajeeyey in sanadkan kan xiga ay dalka oo nabad ah dhamaantiis ku ciidaan.

Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa fariintan bogaadinta ah u diray dhamaan shacbiga Soomaaliyeed oo maanta kala qeybgalaya maalaayiin muslimiin ah oo caalamka ugu  dabaaldegaysa  maalinta koowaad ee ciidul Adxa.

Madaxweyne dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farriinta munaasabadan u dirayay shacbiga Soomaaliyeed ayaa Alle uga baryay in Umadda Soomaaliyeed ay sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud waxa uu ka codsaday umadda Soomaaliyeed in fadliga ciidul Adxa dartiis ay isku cafiyaan oo ay usoo jeestaan aayaha dalkooda si hormar loo gaaro.

Sidoo kale farrinta ciida, waxaa isagana dhankiisa Shacabka Soomaaliyeed hawada u mariyay Ergaygga  gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Agostiin Mahiga oo  munaasabada ciida darted  hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Agostiin Mahiga ayaa  u rajaynayay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay ku ciidaan ciid wanaagsan, oo ay ku dheehantahay nabad taam ah, kalgacaltooyo iyo Barwaaqaba.

MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here