WARARKA SAADAASHA ROOBABKA IYO WEBIYADA

0
122

Roobabka Deyrta ayaa weli ka da`ayay qeybo ka mid ah dalka toddobaadkii la soo dhaafay. Qeybaha koofureed iyo bartamaha dalka ayaa helay roobab lixaad leh halka qeybaha waqooyina ay heleen roobab iska caadi ah.

Saadaasha roobabka ee Toddobaadka soo socda ayaa tilmaameysa in roobab lixaad leh ay ka di`i doonaan inta badan qeybaha dalka oo ay ku jiraan dhulalka sare ee Itoobiya.

Heerarka wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa sare u sii kacayay iyadoo loo aaneynayo roobabka xooggan ee ka da`ayay dhulalka sare ee Itoobiya iyo deegaannada ku dherersan webiyada dalka. Heerka biyaha webiga Shabeelle ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay sare u kacaan. Meelaha uu wabiga Shabelle ka maro degmooyinka Afgooye, Jannaale iyo Awdheegle ayaa haatan qarqarku buuxaan, waxayna halis ugu jiraan inay daadad ku soo fatahmaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaanan la fileyn wax khatar ah oo daadad ah inuu u geysto webiga Jubba deegaannada ku dherersan.  Heerarka biyaha webiga ee magaalada Balad weyne ayaa haatan ka sarreeya sidii caadiga ahaa, heerka biyaha webiga oo haatan lagu qiyaasay 4.80m taasoo 2.50m ka hooseeysa khatarta sare ee heerka daadad sababi kara. Heerka biyaha weviga ee degmada Luuq ayaa haatan iska caadi ah. Iyadoo haatan lagu qiyaasay heerka biyaha webiga 2.84m taasoo 3.16m ka hooseysa khatarta sare ee heerka daadad sababi kara.

Fatuma/MG

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here