Xoghayaha guud ee QM, ayaa ku boorriyay cirrib tirka takoorka lagu hayo haweenka miyiga ku nool, si ay u xaqiiqsadaan inay qeyb weyn ka qaadan karaan dhammeynta gaajada iyo saboolnimada guud ahaan dunida.
“Haddii la inkiro xuquuqda iyo fursadaha haweenka, waxaan ka hor istaagnay carruurtooda iyo bulshadoodaba inay mustaqbal wanaagsan tiigsadaan,” ayuu yiri Ban Ki-moon, isagoo sheegay in haweenka miyiga ku nool qaarkood aysan iyagu lahayn dhul beereedka ay tabcadaan, sidoo kalana aysan ka macaashin dakhli ay kaga baxaan sabool nimada.
Farriintiisa ayuu Mr Ban Ki-moon ku sheegay in haweenka miyiga ku nool ay sidoo kale nool yihiin iyagoo aan heysan damaanad qaad dhanka nafaqada ah, adeegyada caafimaadka, biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo howlaha culus ee ay hayaan isla markaana aan wax lacag ah lagu siinnin ay ka hor istaagto inay fursad u helaan shaqooyinka.
“Iyadoo howlaha ay hayaan ay wanaajineyso xaaladda haqab beelka cuntada iyo nafaqada , haddana haweenka miyiga ku nool waxay heystaan fursado badan oo ay shaqooyin ku heli karaan, si ay carruurtooda u helaan waxbarasho iyo adeeguo caafimaad,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayha guud ee QM.
Wuxuu sheegay in bishii September, ay QM furtay barnaamij shan sano soconaya oo lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo xoojinta haweenka miyiga ku nool.
Barnaamijkan ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya Hay`adda QM ee xoojinta haweenka, Ururka cuntada iyo beeraha u qaabilsan QM ee FAO, Hay`adda caalamiga ah ee horumarinta beeraha (IFAD), iyo Barnaamijka cunnada aduunka (WFP). Waxaana marka hore laga hir gelin doonaa dalalka Ethiopia, Guatemala, Kyrgyzstan, Liberia, Nepal, Niger iyo Rwanda.
“Dunidu si weyn ayay u aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee ay haweenku ku leeyihiin dhisidda nabadda, cadaaladda iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Mr Ban. Isagoo sheegay in sanadka 2015-ka oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee hadafyada horumarinta Millennium-ka, haatan la joogo xiligii maal gashi lagu sameyn lahaa haweenka miyiga ku nool, lana difaaco xuquuqdooda.
Ban Ki-moon ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladaha dunida iyo ururrada bulshada inay taageeraan haweenka miyiga ku nool, ay dhageystaan codadkooda iyo ra`yigooda ayna ka jawaab celiyaan dalabkooda iyo baahiyaha ay qabaan.