ROOBAB KA DA`AY GOBOLLADA DHEXE

0
50

Deegaanno ka mid ah gobollada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa labdii maalmood ee ugu dambeysay helay roobab wanaagsan oo lixaad leh, kuna  diirsadeen dadka iyo duunyada.

Mudug iyo Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn uga da`een roobabkan, iyadoo deegaannada Korodhi, Baxdo, Qoob saar iyo kuwo kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud ay ka jireen muddooyinkan dambe biyo la`aan daran.

Roobabkan xilligan Deyrta ka da`ay gobolladaasi ayaanan wadan wax dabeylo ah, isla markaana aan geysan khasaare, balse waxaa jira waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka, ganacsiga iyo dadka oo roobabkaasi ay xireen.

Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ka mid ahaa meelaha ugu daran ee ay saameeyeen abaarihii sanadkii hore dalka ku dhuftay.

Cumar Teacher/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here