HALISTA WEBIYADA IYO TOGAGGA

0
100

Ka digtoonaan la’aanta halista marin-biyoodyadaasi ooy ag deggaan yihiin bulshadeenna Soomaaliyeed qaarkood iyo cimilo-gooreedka dalkeenna oo aan sida qaalibka ah la baran aqoon fiicanna aana loo lahayn ayaa  waxay halis ku hayaan dad badan oo webiyada ag dega xilliyada jilaalka khasaare naf iyo maal oo ku dhaca feejignaan la`aan.

“ Anigoo magaalada joogo ayeey gabadheeyda carruurta u weyn iga soo wacday telefoonka gacanta oo ay itiri aabo wiilashii webigeey ku dhaceen, waxaan u naxay si xun hawshii aan hayeyna faraha ayaan kala baxay waan soo orday, gurigaan imaaday halkaan ayeey carruurtii ka baxeen ayaa leeygu yiri markii aan soo gaaray meeshii ay carruurteeyda uga daateen webiga oo ay dadkii xaafadda tuuran yihiin ayey dadkii i horjoogsadeen oo ii diideen inaan si rasmi ah u arko halkay webiga uga dhaceen carruurteeydi waxayna u haysteen inaan webiga isku tuurayo waxay I dhaheen “ Samir iyo iimaan Allaha kaa siiyo ee ka noqo meeshan” .

“Waxaan u sheegay oo kale inaan doonayo inaan soo arko meeshay kaga dhaceen aananne dib u noqoneyn”  sidii ayaan meeshii ku imid oo ay webiga uga dhaceen saas ayeyna iiga dhinteen” sidaas waxaa ku yiri ERGO Maxamuud Xiireey Barre ‘Aargute’ oo ah aabo Jooga Beledweyne oo mar  qura labo wiil uu dhalay kaga naf waayeen webiga shabeelle kaas oo markuu ii warramayey ka calooltabyoonayey gocoshada ay dhibaatadan ku reebtay awgeed.

Sidoo kale dadka reer guuraaga ah ayaa iyana xilliyada jiilaalka dega daafaha waadiyada iyagoo daneeynaya iyaga iyo xoolahoodaba inay harsadaan harka qaboow ee dhirta ka baxda hareeraha togaggan.

Shirre Xuseen Caafi oo ah siddeetan jir ah baa uga sheekeeyay raadiyo Ergo musiibo baaxad weyn oo asiibtay xilli hore “ Afar boqol oo Ari ah iyo afar ruux ayey maalin nooga nafwaayeen daad uu nagu soo rogay  waadiga la yiraah Warwqumayo oo ah waadi ku yaal jihadaas waqooyi ee Beledweyne, xoolahii waa naga baaba’een dad iyo xoolaba naga salfay labo qoys oo guurta ah ayaan horseed u ahaa meel meeshaas ka fiican oon cidda ku furo ayaan waayey, dagmadii taaga ahayd horteey ayaa qoysas soo guuray degeen  isma lahayn meeshan ayaa daad roob keenay idinku halaagayaa maalinkaas taariikhda nolosheeyda dhibaato iiga daran ima soo marin” ayuu yiri Shire.

Dadka deegaankan ee aqoonta u leh cilmiga bulshada iyo habdhaqankooda, ayaa inta badan ku adkeeysanaya in dhibaatooyinka naf iyo maalba salfada ee ay ku dhaca bulshadan degta daafaha webiyada iyo kuwa reer guuraaga ah ay tahay mid ay ugu wacan tahay aqoon-yarida dadkeenna ka haysata isbaddalka cimilada iyo iyagoo aanan helin baraarujin ku filan ee laga siiyo halista ay leeyihiin togagga ama waadiyada ay ag degayaan xilliga jiilaalka.

Abdullahi Salad/MH/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here