Barakacayaal ku tabaalaysan xadka soomaaliya iyo kenya

0
41

Qoysas ka soo cararay colaadaha ka taagan gobollada Jubbooyinka, Gedo, Shabeellaha Hoose iyo meelo kale oo koonfurta ah ayaa gaaray xerooyinka qaxootiga ee ku yaal  waddanka Kenya  iyo tuulooyin hoos taga degmada Dhoobleey, kuwaasoo ay  ka  mid yihiin Garileey, Cadayleey, Shabaax, Yaraa, Sariiro, Magar, Yeeyo iyo tuulooyin kale.

Xaaji Cumar Xuseen wuxuu  oo ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa radio Ergo u sheegay in dadkaasi ay haysato dhibaato aad u badan kuwa ugu daranna ay yihiin biyo la`aan iyo  hoy la`aan, wuxuuna codsaday in dadkaas lala soo gaaro gurmad degdeg ah.

Degaannada ay qoysaskaani soo degeen waxaa hore ugu sugnaa qoysas reer guuraa xoolo dhaqata ah, kuwaasoo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool, muddooyinkii ugu dambeeyayna waxaa qoysaskaas soo food saaray dhibaatooyin dhanka nolosha ah , iyagoonan helin wax roobab ah muddooyinkan dambe awadeed.

Arrimahan waxaa sii adkeynaya iyadoo weli ay sii socdaan dagaallada ka socda Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo welina ay jiraan dad soo barakacaya oo soo gaaraya xudduudaha Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

AA/MG/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here