Guddoomiyaha gobolka shabeellaha Hoose ee maamulka DFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi, oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto gobolka, gaar ahaan qoysaska xiga dhanka xeebaha gobolka isagoo sheegay in ceelasha aysan shaqeynayn.
“Waxaan tagnay degaanno ay ka mid yihiin Marka, Buufoow, Jilib marka, Gendershe, Dhanaane, Salini, Ceel wareegoow, Bushka, Jasiira, Arbacoow, Laanta buure iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka, waxaana halkaasi ku soo aragnay dad duruufeysan oo ay hayso cunno xumo, nafaqa darri iwm”.
Guddomiyaha ayaa sheegay in ilaa saddex sano aanu dhulkaasi wax roobab ah ka di`in, isagoo sheegay in dadka ku dhaqan degaannadaasi ay ku tiirsanaayeen badigood kalluumeysiga, “Kalluunkii ayaa ku yaraaday badda, laashashkii yar-yaraa ee ay ku soo qabsan jireen kalluunkana way ka duuguubeen mana jirto cid u dayactirtay, taasina waxay keentay in dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay noqdaan kuwo baahan oy nafaqo-darri ku dhacdo.
“Annaga nambar 50 waxaan ka qeybinnay wax xoogaa boorash iyo saliid ah, marna waxaan geynay bariis sonkor iyo saliid, hadde waad dareemi kartaa meel ay ku nool yihiin in ka badan labaatan kun oo qoys in aysan ku filnayn” ayuu yiri mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Guddoomiyaha Shabeellaha hoose ayaa sheegay in maalmahaan dambe ay jiraan nabad galyo xumo ka jirta qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan degaannada u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo uu sheegay inay ka dambeeyaan kooxo ku labisan direyska ciidamada DFS, dhacayaanna shacabka, iyagoo ka faa`iideysanaya xilliga kala-guurka ah ee uu dalku galay.
CC/MH/MG/FM/AM