HRW: Dowladda cusub waa inay baaritaan ku sameysaa dilalka weriyeyaasha loo geysanayo

0
69

Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqday madxaweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu amro baaritaan lagu sameeyo 24-saacadood gudahood dilalkii afar warfidiyeen loogu geystay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 20-2kii September, 2012. Waxay sheegtay in dowladda cusub ay tahay inay tallaabooyin u qaaddo dhanka difaacidda Weriyeyaasha, oo 13 ka mid ah la dilay sanadkan gudihiisa oo keliya.

“Warfidiyeennada Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jireen liiska dadka ay beegsadaan dhammaan kooxaha inta dagaallada sokeeye ay dalka ka holcayeen,” sidaa waxaa yiri Leslie Lefkow, oo ah ku xigeenka agaasimaha HRW qeybta Afrika. “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wax wuu ka qaban karaa dhammeynta dilalkan waxashnimada ah, isagoo amar ku bixinaya in baaritaanno dhab ah lagu sameeyo dilalkaasi.”

20-kii bishan xilli galab gaabad ah, saddex weriye ayaa ku dhintay shan kalana way ku dhaawacmeen laba qarax oo lala beegsaday maqaayad caan ah oo ku taalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, taasoo sidoo kale ay ku dhinteen 15 qof oo kale.

Weriyeyaashan qaraxa ku dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Allaha u naxariistee Cabdisataar  Daahir Sabriye iyo Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa TV-ga qaranka SNTV iyo Cabdiraxmaan Yaasiin Cali oo ka tirsanaa Raadiyo Xamar.

Subaxdii 21-kii September labo nin oo hubeysan ama ka badan ayaa ku toogtay Xasan Yuusf Absuge, oo ka tirsanaa Raadiyo Maanta, meel u dhow xarunta raadiyahaasi oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka kooxda al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen qaraxyadaasi, balse waxay sheegteen inaysan iyaga ka dambeynin. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhankeeda inay gacanta kusoo dhigi doonaan ceddii ka dambeysay qaraxyada ay dadka badan ku dhinteen.

Ugu yaraan shan kale oo weriyeyaal ah iyo dad warbaahinta u shaqeynayay ayaa kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho sanadkan dhexdiisa, toogasho la mid ah tii loo geystay Xasan Yuusuf Absge. Halka afarta kalana siyaabo kala duwan ay u dhinteen.

Tan iyo intii isku dhacyada ka taagan gudaha dalka ay xoogeysteen 2007-dii, Warfidiyeennada Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaaray baaritaanka iyo ka warbixinta tacaddiyada ay geysanayeen dhinacyada iska soo horjeeda. Guddiga difaacidda weriyeyaasha ayaa ku eedeeyay dowladda iyo kooxaha ka soo horjeedaba inay bartilmaameedsadaan weriyeyaasha isla markaana ay xayiraado kusoo rogaan xoriyadda warbaahinta, ugu yaraan 47 weriyeyaal ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.

Tan iyo bishii December 2011-kii keliya, 13 weriyeyaal iyo dad u shaqeeya warbaahinta ayaa lagu dilay deegaannada ay gacanta ku heyso dowladda. Halka dowladdii hore ee ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya ay ballan qaadday inay baaritaanno ku sameyneyso dilalkaasi, balse cedna maxkamad looma soo taagin. Sida ay sheegtay HRW.

20-kii August, sanadkan dhexdiisa, ayay ku ekeyd muddada dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, markaas kadib ayaa la doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub.

HRW ayaa ugu baaqday dowladaha taageerada siinaya xukuumadda cusub ee Soomaaliya inay xoogga saaraan xoriyadda warbaahinta, oo ay ku jirto difaacidda weriyeyaasha.

“Waddamada ay sida dhabta ah uga go`antahay inay taageeraan guulaha cusub ee Soomaaliya ay gaartay waa inay muhiimadda koowaad siiyaan wax ka qabashada dilalka waxashnimada ah ee loo geysanayo weriyeyaasha,” ayuu yiri Mr Lefkow. “La howl galayaasha caalamiga ah waa inay dowladda cusub cadaadis ku saaraan kuna caawiyaan sidii ay baaritaanno dhab ah ugu sameyn lahayd dilalkaas.

Human Rights Watch.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here