Ka dib dagaalladii xoogganaa ee dhowaan ka dhacay meelo u dhow Kismaayo iyo barokaca dadka rayidka ah ay ka barokacayaan magaalada ee aad kor u kacay, ayaa madaxa iyo isuduwaha hawlaha bani`aadamnimada ee Soomaaliya,Mark Bowden uu la kulmey wasiirka difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo taliyaha ciidamada difaaca Kenya, Gen. Julius W. Karangi, si uu ugala hadlo ilaalinta dadka rayidka ah inta ay jiraan hawlgallada mileteri ee hadda socda. kulanka ka dib, mudane Bowden waxaa uu yiri:
“Maanta, wasiirka gaashaandhigga ee Kenya wuxuu ii xaqiijiyey in ciidamada difaaca Kenya ay sameynayaan wax kastoo suuragal ah si ay u yareeyaan saameynta hawlgalka mileteri ee socda uu ku yeelanayo dadka rayidka ah. Wasiirka wuxuu sidoo kale ii sheegey in ciidamada difaaca Kenya ay gacan ka geysanayaan hubinta in gargaarka bani’aadamnimadu gaaro dhammaan dadka u baahan.
Inkastoo hawl wadeennada bani’aadamnimadu ay mar kasta yihiin dhexdhexaad ayna gebi ahaanba ka madax bannaan yihiin geeddi socodyada mileteri iyo kuwa siyaasadeed, haddana waxaa ay ku tiirsan yihiin dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan dadka u baahan gargaarka. Waan soo dhoweynayaa ballanqaadka Kenya waxaana aan mar kale ku celinayaa baaqeygii aan dhammaan dhinacyada ku lug leh colaadda ugu baaqayey in ay dadaal kasta ku bixiyaan sidii loo yareyn lahaa saameynta ay colaaddu ku leedahay dadka rayidka ah iyo in ay oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro.
OCHA – Soomaaliya