Biyo yaraan ka taagan tuulada Nambar 50

0
133

19 September, 2012 SHABELLADA HOOSE Dadka ku dhaqan tuulada nambar konton ee gobolka shabeellada hoose ayaa ka cabanaya biyo yaraan ka jirta deegaannadaasi, oo ay ka cilladoobeen labo ceel biyood oo ku taalla tuuladaasi.

Biyo yaridan ka taagan tuulada nambar konton iyo deegaannada ku dhow dhow ee gobalka shabeellada hoose oo looga dareemay deegaannadaasi ayaa timid kadib kolkii ay cilladoobeen labo ceel biyood oo ku yaalla tuulada lambar konton oo ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada.

Arrintan ayaa sameeyn ku yeelatay dadka ku dhaqan deegaannadaasi oo isagu jira xoolo dhaqato iyo beeralley, waxaana qoysaskaasi ay xilligani dhibaato adag ka haysataa helintaanka biyo ay cabaan iyo kuwa ay xoolahooda ka waraabiyaan.

Maxamed yuusuf oo ka mid ah dadka reer nambar konton ayaa qadka telefonka Raadiyo Ergo uga warbixinaya dhibaatooyinka biyo la`aan ee ka taagan deegaannadaasi iyo meelaha ay dadkaasi biyaha u raadsadaan.

“Deegaanka nambar konton biyo la`aan xooggan ayaa ka jirta oo waxaa hallaabay labo ceel oo muhiim u ahaa dadka deegaanka, hal ceel oo kaliya ayaa xilligan shaqeeya kaasina ma dabooli karo baahida dhinaca biyaha, dadka waxay biyo u raadsadaan deegaannada Saliini iyo Muuri oo illaa siddeed kiilo mitir iyo lix kiilo mitir ujirta tuulada, waxaana dadku ay biyaha ku soo dhaansadaan gaari dameer iyo waliba haweenka madaxa ku soo qaada.

“Runtii arrintaani waa mid ku adag dadka deegaanka fuustadii biyo ah waxaa lagu kala iibsadaa illaa lixdan kun oo shilin Soomaaliga ah”.

Dadka ku dhaqan tuulooyinkaasi ayaa adeegsada gaari dameerro biyaha looga soo dhaamiyo deegaanno ka fog Nambar konton.

Waxaan biyaha ku soo dhaamiyaa gaari dameerkeyga anigoo sii mara dhul aad u dheer oo gaaraya illaa 8km, sidaana waxaa Ergo u sheegay Cumar Axmed oo ka mid ah ragga gaari dameerrada biyaha kusoo qaada.

Si kastaba deegaanka ayaa haatan waxaa ka jira biya yari, iyadoo dhanka kale dhulku haatan yahay oomane oo aysan jirin wax roobab ah oo da`aya.

Aadan Diyeeshe/MG/CC/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here